4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 2 , 2019
Puntland oo mar kale xabsiga dhigtay Siyaasiga Muuse Cali Jaamac

 

Isniin,December, 02, 2019 (HOL)-Wararka ka imanaya degmada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa sheegaya in Dowladda Gobolleedka Puntland mar kale xabsiga dhigtay Siyaasiga Muuse Cali Jaamac kaddib markii uu dhaliilay maamulka

Ciidamada Amaanka Dowlad Gobolleedka Puntland ayaa duhurnimadii shalay waxaa ay bartamaha magaalada Boosaaso ka qabteen siyaasiga iyaga oo gudbiyay Xabsiga weyn ee magaalada Boosaaso sida ay warbaahinta u sheegeen dad goobjoogayaal ah.

Kulan magaalada Boosaaso ay ku yeesheen Odayaal iyo Waxgarad uu ka mid ahaa Siyaasiga Muuse Cali Jaamac Jimcihii ina dhaafay ayaa waxaa ay siweyn ugu dhaliileen xukuumadda Puntland in shirkad laga leeyahay Imaaraadka Carabta ay ku wareejisay Garoonka  diyaaradaha Boosaaso, iyadoo horay Shirkadda DP ay u heysatay  qandaraaska Dekeda Boosaaso ee ballaarinta iyo dhismaha dekeda, iyaga oo ugu baaqay maamulka uu ka laabto heshiiskaa isaga ah.

13 October ee sannadkan ayaa sidaan oo kale  Boosaaso loogu xiray Siyaasi Muuse Cali Jaamac, kadib markii isaga iyo odayaal kale dhaliilo u jeediyeen xukuumadda Puntland, balse saddex maalmood kadib ayaa lagu sii daayay cafis-maxkamadeed. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]