4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 2 , 2019
Jubbaland oo War ka soo saartay duqeyn diyaaradaha Mareykanka ka fuliyeen degmada Jilib

 

Isniin,December, 02, 2019 (HOL)-Iyadoo Sabtidii toddobaadkan Mareykanku sheegay in ay duqeyn ka fuliyeen degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe, ayaa waxaa arintaa ka hadlay oo War ka soo saaray maamul gobolleedka Jubbaland.

Afhayeen u hadlay maamulka oo lagu magacaabo Cabdinuur Ibraahim Xusseen ayaa sheegay in duqeyntan  lala eegta degmada Jilib Mareykanku ku bartilmaameedsaday Gaadii uu la socday sida uu hadalka u dhigay Sarkaal sare oo ka tirsanaa Ururka Al-shabaab.

Laakiin dhinaca kale afhayeenka u hadlay maamulka Jubbaland ma uusan u sheegin warbaahinta magaca sarkaalkan la bartilmaameedsaday iyo haddii ay jiraan dad kale oo wax ku noqday duqeynta.

Taliska Africom oo dhankooda War ka soo saaray duqeynta maalintii shalay ayaa sheegay in ay baaritaan ku samenayaan khasaaraha ka dhashay duqeynta.

Mareykanka ayaa sanadihii ugu danbeeyayba qeybo badan oo ka mid ah dalka Soomaaliya ka wada duqeymo cirka ah oo lagu bartilmaameedsanaya Kooxaha ka tirsan Ururrada Al-shabaab iyo Daacish.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]