4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 2 , 2019
Puntland oo beenisay in askar katirsan ciidamadeeda ay ku biireen Somaliland

Isniin,December, 02, 2019 (HOL)-Wasiirka warfaafinta dowlad goboleedka Puntland Cali Axmed Sabarey ayaa beeniyay in ciidamo katirsan Puntland oo ku sugnaa degmada Taleex ee gobolka Sool ay ku biireen dhinaca Somaliland.

Wasiirka warfaafinta oo Garowe kula hadlay warbaahinta maxaliga ah, ayaa sheegay ciidamada lagusoo bandhigay Taleex inay yihiin maleyshiyo beeleed loo galiyay dareeska ciidanka.

Sabarey ayaa hadalkiisa ku daray inaanay jirin awood xilligaan Soomaaliland kula wareegi karto ciidamadooda, isagoo tilmaamay Somaliland gudaheeda inuu ka jiro jahweerar siyaasadeed.

Maalintii shalay ayay ahayd markii wasiirka warfaafinta Somaliland, Saleebaan Cali Koore uu degmada Taleex kusoo bandhigay askar uu ku tilmaamay inay yihiin ciidamadii Puntland ee ku sugnaa degaanka God-qaboobe ee hoostaga degmada Tukaraq.

Puntland iyo Somaliland oo isku haya gobolada Sool iyo Saanag, ayay marar kala duwan dhacday in ciidamo dhinac katirsanaa uu dhinaca kale ku biiro, waana arin lala xiriiriyo siyaasadaha gobolka ka taagan.

Hiiraan Online