3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 9 , 2019
Madaxweyne Farmaajo: Cadawgeena aan ugu tagno meelaha ay ku dhuumaalaysanayaan


Jimco, Augusto, 09, 2019 (HOL)-  Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka qaybgalay isku soo bax loogu duceeyay guddoomiyihii geeriyooday ee gobolka Banaadir ahaana duqa caasimadda Muqdisho, marxuun Cabdiraxmaan Yariisow ayaa sheegay in la joogo xilligii goobaha ay joogaan loogu tagi lahaa, [cadawga].

Madaxweynaha ayaa tilmaamay inuu muddo dheer qaatay, dagaal uu ku sheegay midka argagixisada, isaga oo marka ku baaqay wadajir ah in lagu wajaho argagixisada.

“Dagaalka argagixisadu waxa uu soo socday muddo dheer, hadda waxa ay kaga soo hartay in ay is qarxiyaan markii ay u babac dhigi waayeen ciidamadeena geesiyaasha ah. Waa in aan adkaynno amnigeenna iyo wadashaqaynteenna, cadawgana aan ugu tagno meelaha ay ku dhuumaalaysanayaan.” ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.

Madaxweyne Farmaajo hadalkiisa wuxuu ku soo aadday xilli toddobaadyo ka hor kooxda Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al Qaacida ay sheegatay weerar ka dhacay gudaha xarunta dowladda hoose ee Xamar, iyada oo dhismaha uu ka mid yahay kuwa sida aadka ah loo wardiyeeyo, waxaana weerarka ku dhintay guddoomiyihii gobolka iyo guddoomiyeyaal degmo.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online

[email protected]













Click here
8/9/2019 12:19 PM EST
Jimco, Augusto, 09, 2019 (HOL)- Dowladda Soomaaliya ayaa maanta warbixin hor dhac ka soo saartay qaraxii 24kii bishii July ee ka dhacay xarunta dowladda Hoose ee Xamar kaasoo sababay geerida 8 ruux oo uu ka mid ahaa Duqii Muqdisho Eng Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisoow.

8/9/2019 11:05 AM EST
Jimco, Augusto, 09, 2019 (HOL)- Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in iyada oo kaashaneysa maamulka Koonfur Galbeed gacanta lagu soo dhiggi doono kooxdii ka danbeysay dilkii maanta ka dhacay dulleedka Baydhabo.

8/9/2019 10:58 AM EST
Jimco, Augusto, 09, 2019 (HOL)- Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo booqasho ku jooga dalka Koonfur Afrika ayaa magaalada Cape Town kula kulmay jaaliyadda Soomaaliyeed.

8/9/2019 7:08 AM EST
Jimco, Augusto, 09, 2019 (HOL)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa sheegaya in koox hubeysan ku dileen dulleedka magaalada Baydhabo dad uu ka mid ahaa Cali Aadan Marguus oo ahaa ganacsade iyo siyaasi siweyn looga garanayo deegaannada Koonfur Galbeed.

8/9/2019 6:41 AM EST
Jimco, Augusto, 09, 2019 (HOL)- Kullan loogu duceynayay marxuum Eng Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow guddoomiyihii gobolka Banaadir ahaana Duqii Muqdisho ayaa maanta ka dhacday garoonka kubadda Cagta Koonis ee magaalada Muqdisho,kaasi oo haatan loogu magac daray Marxuum Eng Yariisow.

8/9/2019 4:17 AM EST
Jimco, Augusto, 09, 2019 (HOL)- War qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Wasaarraddu marnaba aqoonsan doonin natiijo kasta oo ka soo baxda doorashada Jubbaland, haddii aan la raacin qoddobo ay Wasaarraddu ka dalbatay maamulka Jubbaland in lagu saleeyo doorashada.

8/9/2019 2:52 AM EST
Jimco, Augusto, 09, 2019 (HOL)- Saacadaha soo socda ayaa lagu wadaa in magaalada Muqdisho uu ka bilaawdo isku soo bax loogu duceynayo Guddoomiyihii Gobolka Banaadir ahaana Duqii magaalada Muqdisho oo todobaadkii hore u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray qarax 24-kii bishii hore ka dhacay xarunta Gobolka Banaadir.

8/9/2019 2:16 AM EST
Jimco, Augusto, 09, 2019 (HOL)-Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa ku dhawaaqay in uu ka tanaasulay u tartamida doorashadda madaxtinimada maamulka Galmudug,islamarkaana uusan ka mid noqon doonin musharaxiinta.