4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 9 , 2019
Xaaf oo sheegay in uu ka tanaasulay doorashada madaxtinimada Galmudug

 

Jimco, Augusto, 09, 2019 (HOL)- Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa ku dhawaaqay in uu ka tanaasulay u tartamida doorashadda madaxtinimada maamulka Galmudug,islamarkaana uusan ka mid noqon doonin musharaxiinta.

Xaaf ayaa sheegay mudaddii uu xilka hayay sida uu hadalka u dhigay lugaha lagu dhigay, laakiin haddii uu heli lahaa madaxbannaani uu ku shaqeeyo Galmudug uu gaarsiin lahaa meel wanaagsan.

‘’Waxaan cadeynayaa in aan ka tanaasulay doorashada madaxtinimada Galmudug, ciddii ay doonaan ha doorteen, laakiin waxaan kula dardaarmayaa in qofka la doorto lala shaqeeyo’’ ayuu yiri madaxweyne Xaaf.

Maalmihii ugu danbeeyayba waxaa soo baxayay warar sheegaya in Xaaf uu ka mid noqonayo musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha maamulka Galmudug doorashada dhawaan la filayo in ay dhacdo.

Khaliif muddo dheer soo jiimayay kaddib Xaaf ayaa heshiis la galay dowladda Soomaaliya wixii xiligaa ka danbeeyayna waxaa uu ku sugnaa magaalada Muqdisho.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]