4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 9 , 2019
Garoonka Kubadda Cagta ee Koonis oo loogu magac daray marxuun Eng Yariisow


Jimco, Augusto, 09, 2019 (HOL)- Kullan loogu duceynayay marxuum Eng Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow guddoomiyihii gobolka Banaadir ahaana Duqii Muqdisho ayaa maanta lagu qabtay garoonka kubadda Cagta Koonis ee magaalada Muqdisho,kaasi oo haatan loogu magac daray Marxuum Eng Yariisow.

Munaasabaddan ducada ah ayaa waxaa ka qaybgalay madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo , guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Raiisul Wasaaraha Xasan Cali Khayre ,xubnaha golayaasha kala duwan ee dowladda,kumanaan dadweyne ah oo ka kala yimid degmooyinka gobolkan Banaadir iyo mas’uuliyiin kale.

Mas’uuliyiintii ka hadashey munaasabadaasi ducada ayaa qirtay in Marxuum Yariisow uu ahaa shaqsi ku weynayd wadaniyada,dal iyo dowlad jacaylka iyo in uu horumar gaarsiiyo bulshadiisa.

Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khudbad ka jeediyay munaasabadaasi ducada ayaa ku dhawaaqay in Garoonkaasi Koonis hadda kadib loogu magacdaray Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng Yariisow).

Mas’uuliyiintan iyo shacabki tagay goobtaas ayaa Eebe uga baryay in uu janadii Fardowsa uu ka waraabiyo,waxana madaxda dowladdu ay balanqaadeen in ay ka warqabidoonaan qoyskii uu ka tagay marxuum Eng Yariisow.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]