
Jimco, Augusto, 09, 2019 (HOL)- Saacadaha soo socda ayaa lagu wadaa in magaalada Muqdisho uu ka bilaawdo isku soo bax loogu duceynayo Guddoomiyihii Gobolka Banaadir ahaana Duqii magaalada Muqdisho oo todobaadkii hore u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray qarax 24-kii bishii hore ka dhacay xarunta Gobolka Banaadir.
newsinside Isku soo baxa waxaa ka qeybgali doona Madaxda ugu sareysa dalka, maamulka Gobolka Banaadir iyo dadweyne fara badan, iyadoo lagu qabanayo Garoonka Kubadda Cagta ee Koonis Stadium ee degmada C/casiis.
Labadii maalmood ee la soo dhaafay ayaa waxaa diyaar garoow ka socday garoonka ay ka dhaceyso isku soo baxa, halkaasoo bannaanka garoonka la dhigayay dhagaxa la isku rakibo ee loo yaqaano Enter-Log, sidoo kale waxaa Taalo laga dhisi doonaa garoonka bannaankiisa.
Madaxda dowladda ayaa lagu wadaa in ay si rasmi ah ugu dhawaaqaan in Garoonka Kubadda Cagta Ex Koonis loogu magac daray Eng. Yariisow, si maamuus iyo xusuus ugu noqoto howshii uu Qaranka u soo qabtay, gaar ahaan Gobolka Banaadir.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]