Soomaaliya oo laga dalbaday in ay wax ka qabato nidaamka sahlaya dambiya aan la ciqaabin ee ka dhanka ah Suxufiyiinta
Arbaco, Maarso, 07, 2018 (HOL) - Kulan looga hadlayay
xaalada xuquuqul insaanka Soomaaliya gaar ahaan xadgudubyada loo geysto
suxufiyiinta iyo xoriyatul qowlka ayaa shalay lagu qabtay xarunta QM ee
magaalada Geneva ee dalka Switzerland.
Kulankan oo ay soo
abaabuleen Ururka Suxufiyiinta Adduunka ee IFJ iyo Ururka Qaranka Suxufiyiinta
Soomaaliyeed ee NUSOJ ayaa waxaa kasoo qeyb galay ergada ka qeyb galaysa
fadhiga 37aad ee Golaha Xuquuqul Insaanka QM kuwaasoo ka kala yimid daafaha
caalamka.
Xoghayaha Guud ee NUSOJ
Cumar Faaruuq Cusmaan oo ka hadlay kulankan ayaa ka hadlay xaalada adag ee
khatarta leh oo ay suxufiyiinta Soomaaliyeed ku shaqeeyaan. “Dhibaateynta iyo
caburinta suxufiyiinta waxay noqotay mid caadi ah oo aanba loo arkin in ay
tahay xadgudub ka dhan ah xuquuqda aadanaha, iyo xaqqa dastuuriga ah ee uu
muwaadinka suxufiga ku leeyahay dalkiisa” ayuu yiri Cumar Faaruuq.
“Xariga, cagajugleynta,
dilka, iyo weerarada wejiyada badan ee lagu hayo suxufiyiinta waxaa ka sii
daran in loo diidan yahay in ay ku shaqeeyaan duruufo wanaagsan oo ay xaq u
leeyihiin. Hadaan la xerin ama la dilin suxufiga, waxaa lacag lagu bixinaa
sidii uu madaxbanaanida saxaafada uga tanaasuli lahaa” ayuu ku daray Xoghayaha
Guud ee NUSOJ.
Cumar Faaruuq Cusmaan
waxaa uu tilmaamay in madaxda ugu sareysa dalka sida Madaxweynaha iyo Ra’iisul
Wasaaraha aysan wax lug ah ku laheyn xadgudubyada loo geysanayo suxufiyiinta
iyo caburinta lagu hayo xoriyatul qowlka iyo xaqa dastuuriga ah ee ay
suxufiyiinta u leeyihiin in si madaxbanaan u maamushaan ururkooda ayadoon lagu
faragelineynin balse ay jiraan masuuliyiin heer hoose oo ku tagri falaya
xafiiska lagu aaminay, shuruucda caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha iyo
dastuurka dalka.
Ernest Sagaga, madaxa
Xuquuqul Insaanka ee ururka caalamiga ah ee IFJ ayaa sheegay in Soomaaliya ay
tahay meel si aan kala go’ laheyn loogu dhibaateeyo suxufiyiinta. “Sidaan ugu
ol-oleyneynay difaacitaanka amniga suxufiyiinta oo aan u laheyn haddii dowlad
la helo dhibka ay ku jiraan suxufiyiinta waa laga baxaya ayaa waxaa ayaan daro
noqotay in dadkii dowladda ku jiray ay iyaga hor kacayaan dhibaatada lagu hayo
suxufiyiinta iyo ururkooda” ayuu yiri Sagaga.
“Waxaan cadeyneynaa in
IFJ ay si buuxda u taageersan tahay ururka xubinta ka ah ee NUSOJ si aan kala
har laheyn ayna ku dadaali doonto sidii loo xaqiijin lahaa madax-banaanida,
xoriyada iyo amniga suxufiyiinta Soomaaliyeed” ayuu raaciyay Sagaga oo ku hadlayay
magaca Ururka Suxufiyiinta Adduunka.
Xiriiriyaha Ururka
mideeya ururada shaqaalaha Afrika ee loo yaqaano ITUC-Africa Joel Odigie ayaa
ka sheegay kulanka in xuquuqda ay suxufiyiinta ama shaqaalaha kale ay u
leeyihiin in si xor ah oo ka madax-banaan dowlada ay u sameystaan una
maamushaan ay tahay mid dagaal weyn lagu hayo. “Ka sokow in ay tahay ku
xadgudbid bareer ah oo xuquuqda aadanaha ah, waxaan arkaynaa masuuliyiin
dowladeed oo aan ka xishoon in ay ururo u sameeyaan suxufiyiinta iyo shaqaalaha
kale. Masuuliyiintan waxay isu haystaan in uunanba qaban wax sharci ah ama
iyagaba ay yihiin sharciga la sheegay” ayuu yiri Joel.
“Gacmaha kama taageyno,
si kasto oo ay xaalada u dhib badan tahay. Waxaan sii xoojin doonaa dadaalka
aan ku dooneyno in aan difaacno NUSOJ iyo ururrada shaqaalaha xorta eek a jira
dalka Soomaaliya si ay u gutaan masuuliyada ka saaran in ay difaacaan
xubnahooda iyo xuquuqda aadanaha” ayuu hoosta ka xariiqay Joel Odigie.
Dadkii ka qeyb galay
kulankan ayaa waxay ugu baaqeen dowladda Soomaaliya in la joojiyo nidaamka
hadda jira ee horey usii wada dambiyada aan la ciqaabin ee ka dhanka ah
suxufiyiinta Soomaaliyeed. Gaar ahaan dowlada ayaa loogu baaqay in ay fuliso
go’aankii hay’adda QM ee ILO ee tilmaamayay in loo baahan yahay in la abuuro
guddi madax-banaan oo lagu kalsoonaan karo oo baara xadgudubyada loo geystay
xubnaha iyo madaxda NUSOJ kuwaasoo ILO sheegtay in dowladda lagu tuhmay
dhibaateyntooda.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]