Ganacsatada Qaadka ee Kenya oo loo ogolaaday in ay ganacsigooda kala hadli karaan Somaliland
Arbaco, Maarso, 07, 2018 (HOL) – Ganacsatada Qaadka dalka Kenya ayaa sheegay
in ay helleen ogolaasho ah in
ganacsigooda kala xaajoon karaan maamulka Somaliland, sidoo kalena ay Qaadka
geyn karaan deegaannada Somaliland.
Guddiga Ganacsatada dalka Kenya ayaa sheegay in Wasaaradda arrimaha dibedda
dalkooda siisay ogolaashaha ah in ay
arrimaha Suuqa qaadka kala xaajoon karaan Somaliland.
Afhayeenka Ganacsatada iyo Beeraleyda Qaadka Kenya Kimathi Munjuri
ayaa sheegay in dhawaan ay bilaabi doonaan heshiisyo iyo sidoo kale in ay
xiriir ganacsi la sameeyaan Somaliland.
Ururka Ganacsatada Kenya ayaa doonaya in ay Suuq cusub ka helaan
Somaliland iyada oo qiimaha canshuurta laga qaadanaya doonaya in hoos loo
dhigo.
Maamulka Gobolka Meru ee uu Qaadka ka baxo mas’uuliyiintiisa u fasaxday in
ay xiriir dhinaca ganacsiga ah iyo suuq u raadinta qaadka ah la yeelan karaan
Somaliland.
Dowladda Soomaaliya iyo sidoo kale Kenya ayaa 2016-kii isku khilaafay
arrimaha Qaadka ee Kenya ay keyso Somaliland ka dib markii guddoomiyihii
hore ee gobolka Meru uu booqasho ku tagay Somaliland dowladda Soomaaliya oo aan
ogeyn
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]