
Arbaco, Maarso, 07, 2018 (HOL) – Waxaa dibeda u soo
baxaya khilaaf xoog leh oo soo kala dhaxgalay guddiga la socodka dib-u-eegista
dastuurka ee labada Aqal iyo Wasiirka Wasaaradda Dastuurka Cabdiraxmaan Xoosh
Jabriil.
Guddiga ayaa qoraal ay soo saareen waxaa ay ku dalbadeen
in kalsoonida lagala noqdo Wasiirka oo ay ku eedeeyeen in uu wadi waayay
howlihii loo idmaday.
Haddaba Xusseen Sheekh Maxuud oo ka tirsan Guddiga Dastuurka ee
Aqalka Sare ayaa sharaxaad ka bixiyay waxa ay eedeyntoodu ku qotonto, isaga oo sheegay in Wasiirku uusan aheyn sida uu hadalka u dhigay
shaqsi lagu aami karo ama wadi kara howlaha dhameystirka Dastuurka.
‘’Waxaa leysku fahmi la’yahay geedi socodkii
dib-u-eegista dastuurka, dafiraad lagu sameynayo qodobada 133 iyo 134 ee dastuurka oo cadeynaya qaabka iyo habka loo marayo dib-u-eegista dastuurka cida
shaqada iska leh, intaas oo dhanna waa uu inkirsan yahay howshiisa ayaana laga
dareemayaa, markii hore waad ogeedeen waxaa uu la dagaalay guddigii
madaxa-bannaanaa oo uu yiri waa in
meesha laga saaraa waan ka diidnay oo
baarlamaanka ayaa diiday, hadana waxaa uu isku dayay in labada guddiba uu
ragaadiyo taana waa laga diiday oo madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha ayaa
arinka soo dhaxgalay, markii danbe oo arrimaha oo dhan laga heshiiyay
waxyaabihii lagu heshiiyay waa uu fulin waayay, Miisaaniyadii uu baarlamaanku
ansixiyay ayuu xitaa sharci darro ku tilmaamay, sidaa daraadeed bulshada
Soomaaliyeed waxaan rabnaa in ay aragto in qofka noocaas ah aan lagu aamini
karin dhameystirka howlaha dastuurka’’ ayuu yiri Xusseen Sheekh Maxamuud.
Guud ahaan wasaaradda Dastuurka ayuu ku tilmaamay in ay noqotay mid fadhiid
ah, isaga oo intaa ku darray in ay tahay in Wasiirku meeshu ka baxo.
Khilaafka u dhaxeeyay guddiga dastuurka iyo sidoo kale wasaaradda ayuu
sheegay Xildhibaanka in ay galeen Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaare laakiin ay
ku fashilmeen in ay xaliyaan.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]