Jimco, June, 29, 2018 (HOL) - Mas'uuliyiinta
dawladda Soomaaliya ayaa ayaa sheegay in dad ka badan 80 qof oo laga soo
masaafuriyey dalka Maraykanka ay maanta yimaadeen garoonka diyaaradaha eee
Aadan Cadde.
Afhayeenka Wasaaradda Amniga Soomaaliya
Cabdulcasiis Cali Ibraahim Xildhibaan ayaa VOA u sheegay in 83 qof oo laga
keenay Maraykanka ay soo gaadheen garoonka maanta kadibna ay xaaladda dadkaasi
la wareegtay dawladda Soomaaliya.
Waa markii afraad ee tan iyo intii uu xilka
qabtay madaxweynaha Maraykanka dad loo tarxiilo Soomaaliya.
Bishii December ee
aynu soo dhaafnay ayey ahayd markii dawladda Maraykanku ay ku guuldarraysatay
inay Soomaaliya ku celiso in ka badan 90 qof oo Soomaali ahaa kuwaasi oo laga
soo celiyey dalka Senegal.
Dadka saarnaa diyaaradaasi ayaa ku dacwooday in la
xirxiray oo si xun loola dhaqmay intii lagu gudajiray musaafurintooda.
Madaxweynaha Maraykanka ayaa mid ka mid ah
siyaasadihiisa ka dhigay in dadka aan sharciga lahayn iyo kuwa dambiyada galay
laga tarxiilo dalkan. Dhinaca kale Donald Trump waxa uu soo saaray sharci
mamnuucaya dadka qaxootiga ah ee ka yimaada ilaa 7 waddan oo ay ku jirto
Soomaaliya, isgaoona sheegay inuu tallaabadaais u qaaday sababo dhinaca amnig
ah.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]