4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 29, 2018
Jilib ‘’ Weerar lagu beegsaday sarkaal sare oo ka tirsan Al-shabaab

 

Jimco,, June, 29, 2018 (HOL) - Hay’addaha Amaanka dowladda Soomaaliyaayaa sheegay in weerar ka dhacay Talaadada aynu soo dhaafny nawaaxiga magaalada Jilib lagu bartilmaameedsaday sarkaal sare oo ka tirsan ururka Al-Shabab.

Ilo xog ogaal ah oo ay soo xigatayy VOA ayaa sheegay in sarkaalka la bartilmaameedsaday uu yahay Bashiir Maxamed Qoorgaab oo ka mid ah madaxda dhinaca ciidanka ee Al-Shabab.

Laakiin saraakiisha ayaa aamin san in Qoorgaab uu ka badbaaday weerarka, hasse ahaatee uu goobta ka baxsaday isaga oo qaba dhaawac culus, balse waxaa la leeyahay weerarka waxaa ku dhintay darawalkii gaariga u kaxeynayay.

Hawlgalkan ayaa la sheegay in ay fuliyeen ciidamo Soomaali ah iyo kuwo ajaanib ah oo ay iskaashi leeyihiin.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]