Itoobiya oo shidaal soo saaraneysa markii ugu horeysay iyo ONLF oo arintaa ka soo horjeesatay

Jimco, June, 29, 2018 (HOL) – Dowlada Itoobiya
ayaa sheegtay markii ugu horeysay in ay bilaabeyso sidii shidaal looga saari
lahaa dhuka ismaamulka Soomaalida Itoobiya.
Shirkadda Poly-GCL ee xarunteedu tahay dalka
Shiinahaa ayaa bilowgii sanadkii hore waxa ay ka bilowday sahminta saliida iyo
weliba horumarinta gooblka ay Soomaalidu degto ee dalka Ethiopia.
Keydka shidaalka ee ku jira ceelasha laga helay
saliida ee gobolka Soomaalida ee dalka Ethiopia ayaa lagu qiyaasay 6 – 8
Trillion Cubic Feet.
Laakiin saraakisha sar sare ee Ururka ONLF ayaa
tallaabada ay dowladda Itoobiya shidaalka uga soo saareyso dhulka Soomaalida
Itoobiya mid xadgudub ku ah shacabka deegaannadaas ku nool.
"Iyadoo aan la xallinin is afgaranwaaga
muddada dheer soo taagnaa iyo arrinta siyaasiga ee dhextaalla Soomaalida
Ogaadeenya ku nool iyo Itoobiya in hantidoodii loo gacan dhaafo oo lagu quudiyo
dad kale oo Itoobiyaan ah waa gacan dhaaf waana diidannahay" ayuu yiri
Afhayeenka Jabhadda ONLF Caddaani Hiirmooge.
Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in haddii ay
suurtagasho tallaabadan lagu bilaabi doono wax soo saarka ilaa 450 foosto oo
shidaal cayriin ah, sannadka u horreeyana la filayo in ay ka faa'iidaan hal
bilyan oo doolar.
"Marka ay shaqadu dhamaato ee aan ka
dhoofino dekedda Jabuuti waxaan qiyaasaynaa in aan sannadkii ka heli doono
siddeed bilyan oo doolar" ayuu yiri Abiy.
ONLF ayaa sheegtay in dhinacooda uu dhab ka yahay
dadaalka nabadeed ee socda ee la doonayo in lagu dhameeyo colaada gobolka,
isaga oo sheegay in ay diyaar u yihiin dhinacooda in wada hadal lagu xaliyo
arintan dhulka Ogaadeeniya ama Ismaamulka Soomaalida Itoobiya.
"Dadaal nabadeed mab'da ayuu naga yahay
waana soo dhawaynaynaa, arrinta Ogaadeenyana in si nabad ah lagu xalliyo
barnaamij siyaasi ah bay naga tahay" ayuu yiri caddaani.
Ra’iisal wasaaraha cusub ee dalka Itoobiya ayaa
durbaba la soo baxay dardar iyo dadaallo uu doonayo in uu ku hormariyo guud
ahaanba dalka, waxaana muuqata in uu la yimid isbadallo siyaasadeed oo looga
weecinayo dalka jihadii hore ee uu ku socday.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]