4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 29, 2018
ONLF oo dalbatay in xoriyad dhameystiran la siiyo Cabdikariin Muuse Qalbi Dhagax

 

Jimco, June, 29, 2018 (HOL)–Afhayeenka Ururka ONLF Cabdiqaadir Xasan Hirmooge Caddaani oo la hadlay VOA-da ayaa sheegay in C/kariin Muuse Qalbi Dhagax uu ahaa sida uu hadalka u dhigay siyaasi u xirnaa Itoobiya, balse ilaa iyo hadda aan heysan xoriyad dhameystiran marka laga soo tago in laga sii daayay xabsiga oo kaliya.

Hirmooge ayaa sheegay in labaatan maalmood kahor laga sii daayay xabsiga oo lagu hayay xaafad, maxbuusna uusan aheyn sidoo kalena uusan xoriyad heysan, midaasina ay tahay wax aad looga xumaado.

“C/kariin wuxuu ahaa siyaasi u xirnaa dowladda Itoobiya, in odayaal uu maggan u ahaado ma ahan, in sii deyn iyo heyn uu u dhaxeeyo arrimahaasi waa wax ka baxsan nidaamka maxaabiista, labaatan maallmood kahor ayaa laga sii daayay xabsiga oo lagu hayay xaafad, C/kariin waa inuu helaa xoriyadiisa siyaasiga ah.”ayuu yiri Afhayeen Hirmooge.

Hirmooge ayaa dalbaday in C/kariin in la geeyo meel uu ammaan ku helayo oo reerkiisa uu waqti kula qaadan karo, isaga oo sidoo kale tilmaamay inaanay markale dooneyn in (Qalbi-dhagax) uu ku laabto Soomaaliya oo uu tilmaamay in markii horeba ay iibsatay dowladda.

Dowladda Soomaaliya ayaa bishii September, ee sanadkii 2017 ku wareejisay dowladda Itoobiya taasoo dhalisay muran siyaasadeed.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]