3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 29, 2018
Wasaaradda Dastuurka iyo kuwa dowladda gobolleedyada oo shir uga furmay Muqdisho

 

Jimco, June, 29, 2018 (HOL) - Shirka Madasha shanaad ee ay ku mideysanyihiin Wasaaradda Arrimaha dastuurka ee dowladda Federaalka Soomaaliya, dowlad Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir oo looga doodi doono qodobo badan ayaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho.

Shirka oo socon doona muddo labo maalin ah ayaa wasaaradaha iyo gobolka Banaadir ku soo bandhigi doonaan horumarka seddexdii bilood ee la soo dhaafay laga sameeyay arrimaha dib-u-eegista dastuurka iyo howlaha hortabinta leh bilooyinka soo socoda ee la qaban doono.

Wasiir ku-xigeenka wasaaradda Arrimaha dastuurka ee DFS Dr Xuseen Cabdi Cilmi oo furay shirka ayaa ka hadlay ujeeddada shirka.

“Waxaan marka hore dowlad Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir uga mahadcelinayaa sida wanaagsan ee ay Shirka Madasha uga soo qaybgaleen, shirkan shanaad ee madashan aan ku mideysannahay waxuu inoo leeyahay muhiimad gaar ah maadaama aan xog ku kala qaadaneyno si wadajir ahna aan uga heshiineyno waxa aan qaban doonno inaga oo si mideysan ugu soo guuleysanay qabashada Shir-weynihii Qaran ee Dastuurka” ayuu yiri ku-xigeenka.

Shirkan ayaa la soo xiri doonaa beri waxaana Madasha ka soo bixi doona War-murtiyeed.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
6/29/2018 12:49 PM EST
Jimco,, June, 29, 2018 (HOL)-Mas'uuliyiinta dawladda Soomaaliya ayaa ayaa sheegay in dad ka badan 80 qof oo laga soo masaafuriyey dalka Maraykanka ay maanta yimaadeen garoonka diyaaradaha eee Aadan Cadde.

6/29/2018 11:16 AM EST
Jimco,, June, 29, 2018 (HOL)-Hay’addaha Amaanka dowladda Soomaaliyaayaa sheegay in weerar ka dhacay Talaadada aynu soo dhaafny nawaaxiga magaalada Jilib lagu bartilmaameedsaday sarkaal sare oo ka tirsan ururka Al-Shabab.

6/29/2018 9:01 AM EST
Jimco, June, 29, 2018 (HOL)–Dowlada Itoobiya ayaa sheegtay markii ugu horeysay in ay bilaabeyso sidii shidaal looga saari lahaa dhuka ismaamulka Soomaalida Itoobiya.

6/29/2018 3:05 AM EST
Jimco,, June, 29, 2018 (HOL)-Saddex ka mid ah shanta dowlad goboleed ee hoos taga dowlada federaalka Somalia ayaa qaadacay qodobadii ka soo baxay shir looga hadlay arrimaha isgaarsiinta dalka oo lagu soo gebagebeeyey shalay magaalada Garoowe.

6/29/2018 2:07 AM EST
Jimco,, June, 29, 2018 (HOL) - Toogashada ayaa ka dhacday dhismaha Wargeyska Capital galabnimadii talaadada xiliga Maraykanka, waxaana lagu dilay dad gaaraya shan qof, tiro kalena waa dhaawac

6/29/2018 1:59 AM EST
Jimco,, June, 29, 2018 (HOL) - Golaha wasiirrada Puntland ayaa cod ku ansixiyay magaca iyo mideynta labada hay’ad ee sirdoonka iyo nabadsugidda , kuwaaso oo looga yeeri jirey PIA iyo PSS. Waxa qasbey in labada hay’ad la mideeyo waxaa lugu sheegay baahida loo qabo hay'add amni oo si buuxda u shaqeysa, dhawaan ayayna ahayd markii Madaxweynaha Puntland uu xilalkii ka qaadday agaasimayaasha labada hay’ad.

6/29/2018 1:53 AM EST
Jimco, June, 29, 2018 (HOL)–Afhayeenka Ururka ONLF Cabdiqaadir Xasan Hirmooge Caddaani oo la hadlay VOA-da ayaa sheegay in C/kariin Muuse Qalbi Dhagax uu ahaa sida uu hadalka u dhigay siyaasi u xirnaa Itoobiya, balse ilaa iyo hadda aan heysan xoriyad dhameystiran marka laga soo tago in laga sii daayay xabsiga oo kaliya.