
Jimco,, June, 29, 2018 (HOL) - Golaha wasiirrada
Puntland ayaa cod ku ansixiyay magaca iyo mideynta labada hay’ad ee
sirdoonka iyo nabadsugidda , kuwaaso oo looga yeeri jirey PIA iyo PSS.
Waxa qasbey in labada hay’ad la mideeyo waxaa lugu sheegay baahida loo qabo
hay'add amni oo si buuxda u shaqeysa, dhawaan ayayna ahayd markii Madaxweynaha
Puntland uu xilalkii ka qaadday agaasimayaasha labada hay’ad.
“Golaha xukuumada Puntland oo tixraacaya dastuurka dalka iyo baahida loo
qabo hay'add Amni oo si buuxda u shaqeysa ayaa dood dheer ka yeeshay magaca iyo
mideynta hay'addaha ammaanka dalka, waxayna golahu cod buuxa ku meel mariyeen
mideynta hay'addaha PIA iyo PSS,isla markaan loo bixiyey magac cusub oo ah
hay'adda nabad-sugida iyo Amniga Puntland (Puntland intelligence and security
agency (PISA).”ayaa lugu yiri war-saxaafadeed looga hadlay qodobbada shirka
wasiirrada ka soo baxay.
Shirka wasiirrada ayaa sidoo kale warbixin laga dhageystay wasaaradda amniga oo
sheegtay ammaanka inuu yahay mid wanagsan, waxaana shacabka loogu baaqay inay
la shaqeeyaan ciidamada amniga.
Gabagabadii, Golaha xukuumada Puntland ayaa warbixin kooban ka dhageystay
Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda oo u qeybisay golaha xeerka
tayo-dhowrka kheyraadka Badda, xeerkaan oo qeexaya baarista, tayada, hubinta
iyo cadeynta guud ahaan kalluunka ayaa lagu meel marin doonaa kulanka xiga ee
golaha xukuumadda. Wasiirrada waxaa kalo ay warbixin ka dhageysteen
guddiga dabagalka iyo ilaalinta gaadiidka dowladda oo meel fiican marinaya
tixraaca iyo waafajinta sharciga ee gaadiidka dowladda (GD).
Iman@hiiraan