4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 26, 2018
Wafdi ka socda Eritrea oo goor dhaw ka degay magaalada Addis Ababa

 

Talaado, June, 26, 2018 (HOL)–Wararka ka imanaya magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa sheegaya in  wufuud ka socota Eritrea ay goor-dhaw ka dageen garoonka diyaaradaha caalamiga ee Bole halkaas oo u ku soo dhaweeyay Ra'iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.

Wafdigan uu hoggaaminaya wasiirka arrimaha dibadda Eritrea Cismaan Saalix iyo la taliyaha madaxweynaha Yemane Gebreab ayaa dowladda wadahadallo kala yeelan doonaa heshiiska lagu soo afjarayo dagaalkii ka taagna xadka labada dal.

Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa 5-ta bishan June shaaca ka qaaday in uu u hoggaansamayo islamarkaasna dhaqan gelinaya heshiiskii 2002-dii ay wada galeen Eritrea iyo itoobiya sii loo soo afjaro dagaalka xadka siiba magaalada ay ku muransan yihiin ee Badme.  

Eritrea ayaa tallaabadan ay qaatay dowladda Itoobiya u aragta mid nabadeed oo mar kale taariikhda dib u soo celin karta daris wanaagii labada wadan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]