4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 26, 2018
Maxaa waqtigan ku soo beegay shaqo ka ceyrintii Col Gabre

 

Talaado, June, 26, 2018 (HOL)-Urur gobolleedka IGAD ayaa qoraal shalay ka soo baxay xilkii uu ka hayay Ururka ka ceyriyay Col Gabre oo ahaa la taliye sare oo dhinaca siyaasada ah, dhinaca kalana ahaa sarkaal saameyn weyn ku dhax lahaa siyaasada Soomaaliya.

Qoraalka ka soo baxay IGAD oo lagu baahiyay warbaahinta ayaa lagu wargaliyay sarkaalkan in sida ugu dhaqsiyaha badan uga tago shaqada, islamarkaana wareejiyo dhamaaba wixii qalab xafiiseed ah ee IGAD ay leedahay.

Haddaba waxaa soo baxaya su’aalo dhowr ah oo dul hogganaya xil ka qaadistan deg deg ah ee lagu sameeyay Col Gabre, iyadoo fasiraado kala duwan laga bixinayo.

Hasse ahaatee dadka sida weyn ugu dhuun-daloola arrimaha siyaasada ayaa qaba in arintan laga yaabo in ay xiriir la leedahay isbadallada siyaasadeed ee ka hergalay dalka Itoobiya iyo siyaasada ra’iisal wasaaraha cusub Abiy Ahmed oo u muuqda shaqsi raba in uu hagaajiyo xiriirka dalalka dariska la ah Itoobiya.

Col Gabre oo xiriirro kala duwan lahaa muddo dheer-ba dowladdihii isaga danbeeyay dalka Somaaliya, ayeey saameyntiisu keentay in si toos ah iyo si dadban uu ugu lug yeesho go’aamada siyaasadeed ee dalka, taasoo keentay in dalkiisa Itoobiya uu ka noqdo mid ka mid ah saraakiisha ugu caansan marka la soo hadal qaado arrimaha siyaasada Soomaaliya, waana tan kaliftay in markii danbe IGAD looga magacaabo  la-taliye sare oo dhinaca arrimaha siyaasada ah.

Laakiin haddana marka la eego dhowr iyo todobkii sano ee Gabre uu ku lug lahaa siyaasada Soomaaliya shacabka iyo qeybo kale oo ka mid ah isla siyaasiyiinta Soomaalida ayaa u arkayay tallaabooyinka uu qaadayay Col Gabre mid xitaa shaki–galin kartay madax-bannaanida iyo in Soomaalidu qaadan karto go’aammadeeda masiiriga ah.

Safarkii uu dhawaan ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed uu ku yimid magaalada Muqdisho iyo kulankii uu la qaatay madaxweyne Farmaajo ayaa laftirkeeda la oran karaa in labada mas’uul uga wada hadleen arintan inkastoo aan la hubin, haddana dadka rogroga arrimaha siyaasada ayaa qaba in si loo hagaajiyo siyaasada labada dal dowlada Itoobiya go’aan ku gaartay in meesha laga saaro Korneelka oo muddo dheer ay ka qeylinayeen shacabka Soomaaliyeed.

Marka laga soo tago arrimaha Soomaaliya dhinaca kale waxaa soo baxaya warar sheegaya in Abiy Ahmed iyo xukuumadiisa qorsheynayaan in ay meesha ka saaraan saraakiishii iyo siyaasiyiintii saameynta weyn leh ee ka tirsan xisbiga EPRDF haddii ay ahaan lahaayeen kuwa gudaha iyo dibeda intaba  madaama loo malenayo in IGAD la tashi kala sameysay tallaabadan ay xilka uga qaadeen Col Gabre dowladda Itoobiya.

Dhawaan ayeey aheyd markii ku dhawaad 30 ruux oo ay ka mid yihiin saraakiil loo xirxiray Qaraxii ka dhacay magaalada Addis Ababa ee lagu bartilmaameedsaday dibadbixii lagu taageerayay ra’iisal wasaare Abiy.

Dadka qaar ayaa u arka tallaabadan  shaqada  looga saaray Gabre mid hagaajin karta xiriirka labada dowladdood Soomaaliya iyo Itoobiya, waxaase si gaar ah isha loogu hayaa shaqsiga lagu badali doono.

Sidoo kale tallaabadan ayaa lagu micneyn karaa mid qeyb ka ah qorshayaasha iyo isbadallada siyaasadeed ee ka hana-qaaday dalka Itoobiya iyo ra’iisal wasaaraha cusub ee tallaada dalka la wareegay oo doonaya in uu nabad ku soo dabaallo Itoobiya iyo in uu hagaajiyo xiriirka dowladdaha dariska la ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]