4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 26, 2018
Ganacsade Soomaaliyeed oo xalay lagu dilay Koonfur Africa

 

Talaado, June, 26. 2018 (HOL) -Wararka ka imanaya dalka Koonfur Africa ayaa sheegaya in koox burcad ah ku dileen meel aan ka fogeyn goobtiisa ganacsi deegaan ku dhaw magaalada Derban ganacsade Soomaaliyeed oo lagu magacaabi jiray Sheekh Xusseen.

Dilkan ayaa qeyb ka ah dilalka joogtada ah ee lagu hayo ganacsatada Soomaaliyeed ee Koonfur Africa ku leh goobaha ganacsi.

Inta badan dillalka ka dhaca Koonfur Africa ayaa waxaa loo geystaa Soomaalida ku nool dalkaasi, kuwaasi oo ganacsiyo kala duwan leh, dableyda dilalka geysata ayaanan inta badan suuragelin in gacanta lagu soo dhigo.

Marxuumka waxaa lagu aasayaa Qabuuraha Muslimiinta ee Magaalada Derban gelinka dambe ee maalinta berri ah, waxaana aaskiisa ka qeyb galaya Masuuliyiin ka tirsan safaaradda Soomaaliya ee Koonfur Africa iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]