4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 26, 2018
Ra’iisul Wasaare Khayre oo la kulmay Madaxweyne Paul Kagame

 

Talaado, June, 26. 2018 (HOL)-Ra’iisal Wasaaraha xukuummadda Federaalka Soomaaliya Xassan Cali Khayre iyo wafdi uu hogaaminayo oo soo gebagebeeyay booqasho hal maalin qaadatay oo dalka Rwanda uu ku joogay, ayaa magaalada Kigali ee caasimadda dalkaas kulan kula qaatay madaxweynaha Rwanda ahna gudoomiyaha Midawga Afrika, Paul Kagame.

Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya iyo madaxweynaha Rwanda ayaa ka wada hadlay adkeynta xariirka labada dawladood iyo sidii loo joogtayn lahaa taageerada baaxadda leh ee Midawga Afrika uu siiyo Soomaaliya.

Ra’iisal Wasaare Xassan Cali Khayre iyo madaxweyne Paul Kagame ayaa sidoo kale ka wada hadlay arrimaha amniga gaar ahaan xilliga kala guurka oo ay Soomaaliya isku diyaarineyso in amniga dalka ay kala wareegto ciidamada nabad ilaalinta ee Midawga Africa (AMISOM).

Ra’iisal Wasaaraha xukuummadda Federaalka Soomaaliya oo maalin ka hor gaaray Kigali ayaa xalay kulan casho ah la yeeshay Ra’iisal Wasaaraha dalkaas Edouard Ngirente iyo qaar ka mid ah golihiisa wasiirada, wuxuuna Ra’iisal Wasaaraha isla shalay uu dib ugu soo laabtay dalka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]