4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 26, 2018
Muuse Biixi: Waxaan leenahay dowladda Soomaaliya hadalladeeda iyo ficilkeeda isma laha''

 

Talaado, June, 26. 2018 (HOL) –Madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo xalay khudbad ka jeedinayay munaasabad lagu maamuusayay 26 Jun oo beegneyd markii ay gobollada Waqooyi ka xuroobeen gumeystihii Ingariiska, ayaa eedeyn kulul u jeediyay dowladda Soomaaliya.

Muuse Biixi oo ka hadlayay codsigii dowladda Soomaaaliya ee beesha caalamka looga dalbey in la joojiyo kaalamada iyo deeqaha la siiyo Somaliland ayuu sheegay in dowladda Soomaaliya dagaal iyo cunaqabateyn ku hayaan sida uu hadalka u dhigay reer Somaliland.

‘’ Isma qabto midnimadu waa muqadas, Soomaaliya in ay kala go’do dooni meyno iyo dagaal ayeeynu kugu soo qaadeyna iyo weynu ku cunaqabateyneynaa, waad ogtihiin dhawaan ra’iisal wasaaraha Soomaaliya ayaa warqad qoray oo uu ku dalbanayo in la joojiyo kaalamada Somaliland, sidoo kalana waxaa ku raacay oo soo dhaweeyay arinkaa maamul gobolleedyada ka jira Soomaaliya, marka waxaan leeyahay hadalladiina iyo ficilkiina isma laha’’ayuu yiri Muuse Biixi.

Mar uu soo hadal qaaday dagaalka Tuka Raq ayuu yiri’’ “27 sano oo silic, rafaad, dagaal iyo waxbarasho la’aan baynu soo marnay, uma sii baahnin dagaalo kale, colaadaha Tukaraq ka dhacay ee Cabdi Wali uu soo kiciyay isaga oo doonaya in loo kordhiyo laba sano, laba sano ayuu dadka ku dhameynayaa, wax hadal lagu dhameyn karo garan maayo in qori la isugu soo qaato, dadka wax garanaya waxaan leeyahay aayihiina ka fekera.”

Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan qoraal ka soo baxay wasaaradda Qorsheynta uga dalbatay beesha caalamka in wax ka badal lagu sameeyo hannaanka bixinta deeqaha la siiyo Somaliland.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]