Talaado, June, 26. 2018 (HOL)-Madaxweynaha
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa
hambalyo ku aaddan sannad guurada 58-aad ee ka soo wareegatay maalintii
xorriyadda Gobollada Waqooyi ee dalka, islmarkaana dhul Soomaaliyeed oo xor ah
laga taagay calan Soomaaliyeed, u diray guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in masuuliyad weyn ay
ka saarantahay qof kasta oo Soomaali ah xaqiijinta hiigsiga soojireenka ah ee
ku qotoma Soomaali xor ah oo mideeysan.
Madaxweynaha oo xalay khudbad ka jeediyay
munaasabad lagu qabtay Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ayaa yiri “Xorriyadda aan
maanta ku naalooneyno waa mid lagu soo bixiyay dhiig iyo dhaqaale, maanta
waxaan joognaa guul taasoo kasoo bilaabatay 1960kii markii ay waqooyi iyo
koonfur isku darsameen. Guushaas waxay ahayd mid ummadda u horseeday Soomaalinimo
iyo midnimo.”
Madaxweynaha ayaa sidoo kale ku ammaanay shacabka
Gobollada Waqooyi kaalinta lama ilaawaanka ah ee ay ku lahaayeen gobonnimo
doonkii iyo israacii Waqooyi iyo Koonfur.
Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in dareenkaas
midnimo iyo wada jireed uu ku dhex noolyahay guud ahaan shacabka Soomaaliyeed,
inkastoo duruufo adag ay soo mareen, wuxuuna adkeeyay in qabyaaladda iyo
daneysiga looga adkaan karo in la muujiyo waddaniyad iyo wadajir.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]