DFS, Bangiga Adduunka iyo Bahwadaagta Caalamka oo ka wada hadlay Barnaamijka cusub ee Kaararka Aqoonsiga
Talaado, July, 03, 2018 (HOL) -Madaxa
istaraatiijiyadda Xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,
ahna u qeybsanaha Barnaamijka Kaarar Aqoonsiga ee digitaalka ah Mudane Dr. Nuur
Diiriye Xirsi (Fuursade) ayaa magaalada Nayroobi kula kulmay saraakiil sare oo
ka tirsan Bangiga Adduunka iyo bahwadaag kale oo dhanka horumarinta ka socday
kuwaas oo ay ka wada hadleen barnaamijkan cusub ee ay hormuudka u tahay
Dowladda Soomaaliya, ujeedkiisuna yahay sidii kaarar aqoonsi oo elektarooniga
ah loogu sameyn lahaa dhammaan dadka Soomaaliyeed.
Barnaamijka qaran ee aqoonsi u
sameynta muwadiniinta Soomaaliyeed oo noqonaya kii ugu horeeyay ee nuuciisa ah
ayuu ujeedku yahay hirgelinta barnaamij aas-aas u noqonaya sameynta kaarar
aqoonsi oo laga heli karo xogta shaqsiga.
"Dowladda Soomaaliya
waxay si dardar leh ugu howlantahay hirgelinta dhismaha nidaam u qaabeysan
fulinta baahiyaha muwaadiniinteeda ee dhanka aqoonsiga", ayuu yiri Dr.
Nuur Diiriye Xirsi. "Si la mid ah taabbogelinta horumarkaas, waxaan u
baahannahay inaan hubinno in muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo dadka xaqa u leh la
siiyo aqoonsi awood u siin doona helitaanka adeegyada muhiimka ah oo ay ku
jiraan adeegyada kaalmooyinka gargaar iyo adeegga xawilaadda. Hirgelinta
habkani cusub ee aqoonsi u sameynta muwadiniinta Soomaaliyeed wuxuu ka dhigan
yahay wax ka qabashada aragtiyada caalamiga ah ee ka hortaga khataraha iyo fal
dambiyeedka".
Soomaaliya waligeed ma
yeelanin nidaam lagu sameynayno aqoonsi digital ah oo ay helaan dhammaan
muwaadiniinta iyo dadka kale ee degaanka ku ah Soomaaliya, inkasta oo
nidaamyada aqoonsi ee aan elektrooniga ahayn ka shaqeynayn jiray Dowladdaha
Hoose ka hor 1991.
Nidaamkan aqoonsiga cusubi
wuxuu ujeedkiisu yahay in uu kor loo qaado xiriirka bulsho iyo qeybaha
adeegayada bixiya iyadoo la adeegsanayo nidaamka elektarooniga ah ee lagu
aqoonsan karo macaamiisha ee ay adeegsadaan shirkadaha maaliyadda. Waxay sidoo
kale tani qeyb weyn ka qaadan doontaa fududeynta adeegyadda bulsho sida
xawilaadaha oo si aan shuruud lahayn ugu ogolaan doona muwadiniinta isticmaalka
aqoonsigooda, middaas oo wax weyn ka tari doonta ammaanka iyo dimuqraadiyeynta.
Dr. Fuursade wuxuu u sharraxay
qaabka farsamo ee bahwadaagta dhanka horumarinta ay gacan uga geysan karaan
nidaamkan, isagoo faahfaahiyay hannaanka loo hirgelin karo qorshahani sida
kaabayaasha lagama marmaanka u ah sameynta aqoonsiga, sida qorshe sharci iyo
nidaam, jadwalka fulinta iyo qiyaasaha miisaaniyadda ku baxaya hirgalinta
nidaamkan. Waxa uu carabka ku adkeeyay in Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya uu
ku talagalayo hirgalinta hay'ad cusub oo heer federaal ah midaas oo maareeyn
doonta nidaamka aqoonsiga.
Dr Nuur ayaa sidoo
faahfaahiyay heshiiskii Isfahamka ahaa (MoU) ee dhawaan Dowladda Federaalka
Soomaaliya la gashay hay'adda Diiwaangelinta Qaranka (NADRA) ee Pakistan. NADRA
waxay soo bandhigtay khibrad ku aadan abuurista iyo hirgelinta barnaamijadda
aqoonsiga ee waddamadda jilicsan ama kuwa ka soo baxaya dagaaladda, oo ay ku
jiraan meelaha miyiga oo ay adagtahay si ay u gaaraan adeegyadda bulsho ee ay u
baahan yihiin.
In kabadan 1.1 bilyan oo qof
oo adduunka ku nool ayaan awoodin in ay caddeeyaan aqoonsigooda, ayna sidaa
darteedna ku waayaan adeegyo muhiim ah oo ay ka mid yihiin daryeelka
caafimaadka, xaquudooda daryeelka bulsho, waxbarashada iyo tageero maaliyadeed.
Dadka intooda badan waxay ku
noolyihiin Afrika iyo Aasiya. In ka badan saddex dalool waa carruurta aan
diiwaangashaneyn. Maamulka sare ee Bangiga Adduunka ayaa ahmiyad gaar ah oo
istaraatijiyadeed saaray Horumarinta Aqoonsiga (ID4D) iyada oo Bangiga Adduunku
uu ka tageero dhanka maaliyadda hay'adaha ku howlan sameynta aqoonsiyadda si
loo xoojiyo afkaaraha caalamiga ah ee aqoonsi u sameynta muwadiniinta.
"Bangiga adduunka isagoo
matalaya caalamka, kaalinta kaga aaddan tageeridda horumarinta aqoonsiga waxay
lagama maarmaan u tahay hirgelinta qorshahani aas-aasiga ah dowlad dhisidda
Soomaaliya, iyada oo duruufaha gaarka ee Soomaaliya la eegayo taageerada
nidaamkan uu caalamku u hayo ayaa lagama marnaam ah in la hirgeliyo si loola
jaan qaado adduunka intiisa kale" sidaasi waxaa yiri Dr. Fuursade.
Ugu dambeyntii, Dr. Fuursade
iyo kooxdiisu waxay soo jeediyeen dowrka Bangiga Adduunka ee hirgelinta
Barnaamijka Aqoonsiga Qaran ee Soomaaliya, oo ay ka mid tahay in Bangiga uu ka
taageero Dowlad Fedaraalka Soomaaliya sidii la iskugu keeni lahaa bah wadaagta
iyo daneeyeyaasha kale, iyo sidii tageero farsamo ay u heli lahayeen waaxda ku
howlan mashruucan ee habeynta iyo fulinta nidaamka aqoonsiga ee NADRA.
Shirkan waxaa ka qeybgalay
Dowladda Federaalka Soomaaliya, Bangiga Adduunka, DFID, EU, Norway, Denmark iyo
USAID.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]