Talaado, July, 03, 2018 (HOL) - Duqa Muqdisho Ahna
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow)
ayaa maanta soo saaray wareegto dib loogala noqday, isla markaana lagu
baabi’iyey dhammaan heshiisyadii lagu bixiyey dhulka Jardiinooyinka.
Guddoomiyaha Gobalka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho.
Markuu Arkay heshiisyadii lagu bixiyay dhulka jardiinooyinka ah ee ku yaal
Isgoysyada Waddooyinka Laamiga ah ee Magaalada Muqdisho; isla markaasna uu
hubsaday in heshiisyada loo maray hab khilaafsan shuruucda dalka, Madaama
goobahaasi ay yihiin dhul Dan/Guud ah oo ka dhexeeya Bulshoweynta Soomaaliyeed
ee ku nool Gobalka Banaadir: -
Markuu hubsaday in lacagaha kirada ah ee dhulkaas lagu
kireeyay ay yihiin Kuwo aad u hooseeya oo qiimo ahaan aan u qalmin dhulkaas
Jardiinooyinka ah iyo sidoo kale muddada heshiiyada oo nidaam ahaan xad dhaaf
ah iyo in goobahaas bixintooda lala baal maray habka toosan ee lagu maamulo
hantida Dawladda oo ah in lagu bixiyo qandaras;
Isagoo waajib ahaan ay ugu muuqatay in ay lagama maarmaan tahay in dib loo soo
celiyo billicda Magaalada iyo hantida Ummadda ka dhexysa.
Wuxuu Soo Saaray Xeerkan:
Qodobka 1aad.
Laga billaabo maalinta Xeerkan la Saxiixo, waxaa dib looga noqday, isla
markaana baabi’yay dhamaan heshiisyadii lagu bixiyay dhulka Jardiinooyinka ah
ee ku yaal Isgoysyada Waddooyinka Laamiga ah ee Magaalada Muqdisho, maadaama
goobahaasi ay yihiin dhul Dan/guud ah oo loogu tala galay in Dadweynaha
Soomaaliyeed ay ku nastaan, waqtiyada fasaxa ay ka yihiin shaqadooda, isla
markaana jardiinooyinku ay ka mid yihiin adeegyada ugu muhimsan dhanka aragtida
guud iyo dib u soo cellinta billicda Magaalada Muqdisho;
Qodobka 2aad.
Ganacsatada Go’aankani sida tooska u quseeyo, waxaa la farayaa in muddo 30
maalmood gudohood ah ay ku banneeyaan ama ay kala baxaan wax allaale iyo agab
shaqo ah ee u dhex yaal dhismooyinka dhulka Jardiinooyinka ah ee kor ku
tilmaaman, maadaama qorshe ahaan lagu tala jiro in hatidaas dib loogu soo
celiyo gacanta Maamulka D/Hoose ee Xamar, waxeyna muddadu ka billaabaneysaa
maalinta Xeerkan la Saxiixo;
Qodobka 3aad.
Cid allaale iyo Ciddii Xeerkan jabisa ama u hogaansami weyda fulintiisa, waxaa
laga qaadi doona tillaabo sharci ah oo arrimahooda waafaqsan, haddii ay jirto
cid wax ka qabta amarkan, waxay waqtiga fullinta ka hor kala xiriiri karaan
Maamulka Sare ee Gobalka Banadir iyo D/Hoose ee Xamar.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]