4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 3 , 2018
Wafdi ka socda Dawladda Qatar oo qiimeyn ku sameynaya dekeddaha Soomaaliya


Talaado, July, 03, 2018 (HOL) - Wafdi ka socda dawladda Qatar oo maanta soo gaaray Caasimmadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa kulan la yeeshay Ra'iisul Wasaaraha Xukuummada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre oo ay ka wada hadleen horumarinta dekadaha Soomaaliya.

Wasiirka dekadaha iyo gaadiidka Badda Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Marwo Maryan Aweys Jaamac oo kulanka qeyb ka aheyd ayaa sheegay in ujeedka wafdiga ay aheyd in daraasad iyo kormeer ay ku   sameeyaan dekada Soomaaliya si loo ogaado dekadaha dayactirka u baahan iyo dekadaha Dhismaha cusub lagu sameynayo.

Wasiir Maryan ayaa sheegtay in booqashada wafdiga Qatar uu ku yimid Muqdisho ay fursad wanaagan oo dhanka shaqo abuurka iyo kobaca dhaqaalaha ah u tahay ummadda Soomaaliyeed, loona baahanyahay in looga faa’iideeyo.

Booqashada Wafdiga Qatar ka socda ay ku yimaadeen Muqdisho ayaa ka dambaysay booqashadii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) iyo wafdi la socday ay ku tageen magaalada Dooxa halkaas oo leeskula soo af-gartay in la fuliyo Mashruucyo dhawr ah oo khuseeya dekadaha Soomaaliya .

Wafdiga ka socda dawladda Qatar ayaa inta ay joogaan dalka waxa ay booqashooyin ku tagi doonaan maamul goboleedyada dalka si ay u tagaan dekadaha ay qiimeynta ku sameynayaan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]