3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 3 , 2018
Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta oo ka hadlay xeerka Hey’adda Isgaarsiinta Qaranka

 

Talaado, July, 03, 2018 (HOL) - Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada ayaa ka warbixiyay guulaha laga gaaray dhismaha Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo dhawaan loo sameeyay Hay’ad Maamul (Borad of Directors), taasoo ahayd tallaabo kale oo loo qaaday in nidaam iyo kala-dambeyn loo sameeyo isgaarsiinta dalka.

Wasiirka ayaa sheegay in dhismaha guddigan uu yimid muddo 6 bilood ah ka dib oo ay Wasaaraddu wada-tashiyo caddeymo leh la yeelanaysay dhinacyada uu sharcigu dhigayo oo kala ah dawladda, dhinacyada isgaarsiinta (sectorka), iyo xubno ka kala imanaya bulshada rayidka iyo bahda sharci-yaqaannada, si loo dhiso guddi dhammeystiran.

Wuxuu xusay inuu ku faraxsan yahay aqoonta iyo waayo-aragnimada xubnaha guddigan ka dib markii uu la kulmay dhammaadkii bishii hore, isagoo intaasi ku daray in guddigan uusan ahayn mid siyaasadeed, balse uu yahay mid farsamo oo aqoon iyo waayo-aragnimo lagu xushay.

Wasiirka oo uu dhinaciisa fadhiyay wasiir ku-xigeenka Wasaaradda, ayaa sheegay in Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka ay gacan ka geysan doonto sidii loo fulin lahaa sharciga isgaarsiinta, isagoo xusay in loo baahan yahay in fursad la siiyo si ay u gutaan waajibaadkooda.

Isaga oo ka hadlayay ahmiyadda Hay’addan, ayaa Wasiirku waxa uu sheegay in uu culeys badan kala kulmay ansixintii sharcigan oo muddo 12 sano ah soo jiitamayay, balse aysan Xukuumaddu oggolaan doonin in sanado kale ay qaadato dhaqan-gelinta sharcigan maadaama ujeeddada ansixinta sharcigan aysan ahayn inuu warqado ku qornaado.

Wasiirka oo ka hadlayay farqiga u dhexeeya nuqulka ku soo baxay faafinta rasmiga iyo asalkii ay ansixiyeen labada aqal ee Baarlamaanka, gaar ahaan xubinta ka imanaysa sharciyaqaannada, ayaa sheegay in khaladka uu yimid kadib markii nuqulka uu Golaha Shacabka soo gudbiyay uu soo xigtay asalkii sharciga ay Xukuumaddu u gudbisay Baarlamaanka, balse isbeddelkii uu sameeyay Baarlamaanka aan lagu xusin. “Waxaa asal ah nuqulka ay ansixiyeen Golayaasha Baarlamaanka, sixitaanka arrintaana waxay u taallaa xafiisyada ay khuseyso, kuwaasoo haatan ku hawlan,” ayuu yiri wasiirku.

Ugu dambeyntii Wasiirku wuxuu sheegay in albaabka Wasaaradda uu u furan yahay ciddii tabasho qabta oo soo mareysa nidaamka dawladeed. “Waxaan ogsoonnahay in sharciga la ansixiyay iyo guddiganba aysan ahayn kuwo aan ceeb lahayn. Laakiin si loo gaaro wax dhammeystiran waa in meel eber ah laga billaabo oo sanad walba la horumariyo.

Haddiise laga fekerayo in laga billaabo 100%, waxaa cad inaan joogeyno halkii aan joognay intii aan sharciga la ansixinin,” ayuu yiri wasiirka oo intaas ku daray “waxaan rajeynayaa in waxqabadka Hay’addan iyo Guddiga la magacaabayba la mahadin doono mustaqbalka, waayo hadda dadka uma muuqan karaan faa’iidooyinka sharciga iyo Hay’addaba. Marka waxaan leeyahay yaan laga hordhicin oo waqti ha la siiyo, hana lala shaqeeyo Hay’adda.”

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
7/3/2018 12:35 PM EST
Talaado, July, 03, 2018 (HOL) -Madaxa istaraatiijiyadda Xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna u qeybsanaha Barnaamijka Kaarar Aqoonsiga ee digitaalka ah Mudane Dr. Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade) ayaa magaalada Nayroobi kula kulmay saraakiil sare oo ka tirsan Bangiga Adduunka iyo bahwadaag kale oo dhanka horumarinta ka socday kuwaas oo ay ka wada hadleen barnaamijkan cusub ee ay hormuudka u tahay Dowladda Soomaaliya, ujeedkiisuna yahay sidii kaarar aqoonsi oo elektarooniga ah loogu sameyn lahaa dhammaan dadka Soomaaliyeed.

7/3/2018 11:03 AM EST
Talaado, July, 03, 2018 (HOL)-Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa qasriga madaxtooyada ku casuumay qaar kamid ah ardaydii ka qalin-jabisay dugsiga ABAARSO, macallimiinta iyo xubnaha guddida waalidiinta dugsigaas.

7/3/2018 8:02 AM EST
Talaado, July, 03, 2018 (HOL) - Duqa Muqdisho Ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa maanta soo saaray wareegto dib loogala noqday, isla markaana lagu baabi’iyey dhammaan heshiisyadii lagu bixiyey dhulka Jardiinooyinka.

7/3/2018 7:44 AM EST
Talaado, July, 03, 2018 (HOL) - Wafdi ka socda dawladda Qatar oo maanta soo gaaray Caasimmadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa kulan la yeeshay Ra'iisul Wasaaraha Xukuummada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre oo ay ka wada hadleen horumarinta dekadaha Soomaaliya.

7/3/2018 7:13 AM EST
Talaado, July, 03, 2018 (HOL) -Madaxweynaha dowlad deegaanka Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar oo hadal kooban ka jeediyay munaasabad loo qabtay daah furka Ceelshidaalka laga baarayo ayaa si dadban u eedeeyay sarkaal Itoobiyaan ah oo sida uu hadalka u dhigay iska heysta deegaan ama goob uu Shidaal ka buuxo.

7/3/2018 6:38 AM EST
Talaado, July, 03, 2018 (HOL)–Dowladda Soomaaliya ayaa u direysa dalka Canada wafdi sare oo la sheegay inay ka shaqeynayaan siddii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal.

7/3/2018 5:42 AM EST
Talaado, July, 03, 2018 (HOL) – Madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) ayaa magaalada Garoowe ka daahfuray wajiga labaad ee dhismaha waddada Ceeldaahir iyo Ceerigaabo,waxaa kalo munaasabadda ka qeybgalay xubno ka mid ah golayaasha maamulka,guddiga waddada Ceeldaahir iyo Ceerigaabo, ganacsato iyo bulshada qaybaheeda kala duwan.

7/3/2018 4:57 AM EST
Talaado, July, 03, 2018 (HOL) – Wararka ka imanaya magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa sheegaya in uu halkaa ka soconayo dibadbax ballaaran oo looga soo horjeedo diidmada Shilinga Soomaaliga.

7/3/2018 1:48 AM EST
Talaado, July, 03, 2018 (HOL) –Madaxweynaha dalka Mareykanka D. Trump ayaa sheegay in Maraykanku aanu hadda qorsheyneyn in talaabo ka qaado Ururka Ganacsiga Adduunka, hase yeeshee, uu u digayo, isaga oo yiri “Haddii aad si wanaagsan noola dhaqmi waydaan, isla waxaad nagu sameyseen ayaan sameynaynaa.”

7/3/2018 1:28 AM EST
Talaado, July, 03, 2018 (HOL) – Wasaaradda Arrimaha Dastuurka Soomaaliya ayaa dood Aqoon-Isweydaarsi ah oo ku saabsan siddii loo heli lahaa Dastuur dhameystiran oo Soomaali leedahay la yeelatay qaar kamid Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Waqooyiga London ee dalka Ingiriiska.

7/3/2018 1:16 AM EST
Talaado, July, 03, 2018 (HOL)–Ra’iisul wasaare ku-xigeenka xukuummadda Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo magaalada Nouakchott ee caasimadda dalka Mauritania uga qeyb galay shir madaxeedkii Midawga Afrika, ayaa la kulmay Gudoomiyaha Guddiga Midawga Afrika, Moussa Faki Mahamat.

7/3/2018 1:10 AM EST
Talaado, July, 03, 2018 (HOL) – Wakiilka gaar ah ee howlgalka midowga Africa AMISOM Francisco Madeira oo la kulmay guddoomiyaha Aqalka sare ee Soomaaliya Cabdi Xaanshi Cabdullaahi, waxaa uu ka raaligaliyay tabashu uu qabay guddoomiyaha oo aheyd in ciidamada AMISOM ku carqaladeeyeen garoonka Adan Cadde xili uu ku sii jeeday dalka dibediisa.

7/3/2018 12:22 AM EST
Talaado, July 3, 2018 (HOL) - Munaasabadda 26 June/1 July ayeey sharikadda Dahabshiil Norway , oo sanad walba u taagan dhiiri galinta dhalinyarada Somaliyeed ee ku nool dalkan Norway ayaa dhigtay koob lagu xusayo munaasabadaas..