4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 3 , 2018
Trump oo hanjabaad u diray Ururka Ganacsiga Aduunka

 

Talaado, July, 03, 2018 (HOL) –Madaxweynaha dalka Mareykanka D Trump ayaa sheegay in Maraykanku aanu hadda qorsheyneyn in talaabo ka qaado Ururka Ganacsiga Adduunka, hase yeeshee, uu u digayo, isaga oo yiri “Haddii aad si wanaagsan noola dhaqmi waydaan, isla waxaad nagu sameyseen ayaan sameynaynaa.”

Isaga oo warbaahinta kula hadlaya Aqalka Cad, xili ay wada joogeen RW Holland Mark Rutte oo maraykanka booqanaya, ayaa madaxweyne Trump uu ku celiyey cabashadiisii la xiriirtay ururka Ganacsiga Adduunka ee fadhigiisu yahay magaalada Geneva ee dalka Switzerland oo uu sheegay in ururkaasi uu Maraykanka si xun ula dhaqmo, dalkiisana uu khasaare badan galiyey.

Dhinaca kale, saraakiil ka tirsan maamulka Maraykanka ayaa diiday warar sheegaya in Aqalka Cad uu qabyo qorayo hindise sharciyeed madaxweyne Trump u ogolaanaya inuu isagu xaddido heerka tacriifta, isaga oo aan maraynin xeerarka ururka Ganacsiga Adduunka u yaalla.

Xigasho VOA 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]