4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 3 , 2018
Cabdi Maxamuud Cumar : Goob shidaal laga helay ayuu shaqsi iska heystaa

 

Talaado, July, 03, 2018 (HOL) -Madaxweynaha dowlad deegaanka Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar oo hadal kooban ka jeediyay munaasabad loo qabtay daah furka Ceelshidaalka laga baarayo ayaa si dadban u eedeeyay sarkaal Itoobiyaan ah oo sida uu hadalka u dhigay iska heysta deegaan ama goob uu Shidaal ka buuxo.

Muuqaalka lagu baahiyay baraha bulshada ayuu madaxweynuhu ku qirayaa in uu jiro aag shidaal dhooban yahay oo uusan waxba kala soconin hawsha ka socota.

Isaga oo arrintaas ka hadlaya ayuuna yiri "gobolka Jarar oo cobole ah akabaabigeeda (waa eray Amxaari ah oo macnihiisu yahay agagaarkeeda) mid baa iska haysta Tewadhros la dhoho, mooji kaasu". Madaxweynaha ayaa intaa sii raaciyay’’ "haddase waa la isaga daba yimid" mana cadda waxa uu ula jeedo.

Dowladda Itoobiya ayaa dhawaan ku dhawaaqday in ay bilaabeyso barista shidaal laga qodayo dhulka dowlad deegaanka Itoobiya, iyadoo madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar uu sheegay in 40% kiiba Ismaamulka Soomaalidu yeelanayaan dakhliga laga helo shidaalka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]