4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 3 , 2018
Dowladda Soomaaliya oo xoojineysa xiriirka Canada

 

Talaado, July, 03, 2018 (HOL)–Dowladda Soomaaliya ayaa u direysa dalka Canada wafdi sare oo la sheegay inay ka shaqeynayaan siddii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal.

"Dowladda Soomaaliya waxay xoojineysa xiriirka Canada.. halkan waxaa imaan doonna wafdi sare oo dowladda ka socda." ayuu yiri Wasiirka Qorsheynta iyo Xiriirka Calaamiga ah ee Soomaaliya, Amb Jamaal Maxamed Xasan oo ku sugan dalka Canada.

Soomaaliya kuma laha saafarad dalka Canada, jaaliyadda Soomaalida ee ku nool dalka ayaa lugu tilmaama jaaliyadda ugu badan ee Afrika,xiriir toos ah oo ay dowladda la yeelato Canada ama xataa safaarad ay Soomaaliya dalka ku yeelato , waxaa laga dhaxlaya deeqaha ay Canada siiso Soomaaliya si rasmi ah dowladda inay u gaarto, halka ay xilligan Canada mariso hay'adaha Qaramada Midoobay.

Hoggaamiyayaasha jaaliyadda Soomaalida ee dalka Canada ayaa markiiba soo dhaweeyay qorshaha dowladda ,waxaa ay dowladda ku dhiirrigaliyeen si dhaqso ah in looga shaqeeyo siddii mar kale dib loogu furi lahaa safaaradda Soomaaliya ee dalka Canada.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
Nairobi, Kenya