4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 3 , 2018
Madaxweynaha Puntland oo daahfuray wajiga labaad ee dhismaha waddada Ceeldaahir iyo Ceerigaabo Sawirro


Talaado, July, 03, 2018 (HOL) – Madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) ayaa magaalada Garoowe ka daahfuray wajiga labaad ee dhismaha waddada Ceeldaahir iyo Ceerigaabo,waxaa kalo munaasabadda ka qeybgalay xubno ka mid ah golayaasha maamulka,guddiga waddada Ceeldaahir iyo Ceerigaabo, ganacsato iyo bulshada qaybaheeda kala duwan.

Guddiga dhismaha waddada ayaa madaxweynaha uga xog-bixiyey meesha ay marayso shaqadda dhismaha waddada Ceeldaahir iyo Ceerigaabo, isla mar'ahaantaana waxaa ay kulanku intii uu socdey soo bandhigeen muuqaallo muujinaya sida ay shaqadu u socoto iyo meesha ay marayso dhismaha waddada.

Madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Gaas ayaa u mahadceliyay guddiga waddada, wuxuu sheegay dhismaha waddada inay fure u noqon karto hourmar iyo shaqooyin badan oo Puntland ka hirgala.

Dhismaha waddada Ceel-daahir iyo Ceerigaabo kharashka lagu dhisayo ayaa ka yimid iskaa-shiga shacabka iyo maamulka Puntland, waxaana guddiga wajiga koowaad ee dhismaha ee la soo gabagabeeyay in lugu dhisey waddada oo dherarkeedu yahay 90 km, ayaa waxaa ay tahay shaqada laga qabtay simitaan iyo ku shubid -jay iyo caratuur, waxaana loo gudbay wajiga labaad oo ah dhigitaankii daamurka oo loo keenay qalab lagu dhisayo.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online