4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 3 , 2018
Dibadbax maanta ka dhacay magaalada Gaalkacyo

 

Talaado, July, 03, 2018 (HOL) – Wararka ka imanaya magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa sheegaya in uu halkaa ka soconayo dibadbax ballaaran oo looga soo horjeedo diidmada Shilinga Soomaaliga.

Banaanbaxa ayaa waxaa soo qabanqaabiyay Bulshadda kunool Magaalada Gaalkacyo, waxaana ay sheegeen in maalmihii lasoo dhaafay ganacsatadda magaalada ay diideen in ay qaataan lacagta Shilinga Soomaaliga.

Qaar kamid ah Ganacsatada haweenka ah ayaa hormuud u ahaa dadka dibaxa dhigayey kuwaasoo muujinayey sida ay uga xunyihiin diidmada shilinka Soomaaliga ah gudaha magaalada Gaalkacyo.

Lacagta Shilika Soomaaliga ayaa bilihii ugu danbeeyayba bulshada ku dhaqan gobollada dhexe shaki badan ka muujinayeen, gaar ahaan marka la eego magaalada Beledweyne oo dadku iskaba hilmaameen xitaa muuqeeda.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]