Dood Aqoon-Isweydaarsi ah oo ku saabsan Dib-u-Eegista Dastuurka oo ka dhacday London

Talaado, July, 03, 2018 (HOL)–Wasaaradda
Arrimaha Dastuurka Soomaaliya ayaa dood Aqoon-Isweydaarsi ah oo ku saabsan siddii
loo heli lahaa Dastuur dhameystiran oo Soomaali leedahay la yeelatay qaar kamid
Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Waqooyiga London ee dalka Ingiriiska.
Doodda oo ay ka soo qaybgaleen waxgarad,
culumaa’udiin, haweenka, dhallinyarada iyo oday dhaqameedyo ayaa waxaa lagu
gorfeeyay sidii Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool UK uga qaybqaadan lahaayeen
dib-u-eegista Dastuurka.
Zahra Cali Xasan oo ka mid ah La-taliyayaasha sare
ee wasaaradda Arrimaha Dastuurka ayaa Jaaliyadda warbixin ka siisay horumarka
ilaa iyo hada laga gaaray arrimaha dib-u-eegista Dastuurka iyo howlaha
hortabinta leh bilooyinka soo socoda ee la qaban doono.
Ka qaybgalayaashii doodda oo ay kamid ahaayeen
Consullar Harbi Farah iyo Siyaasi Cabdi Cumar oo mar soo qabtay xilka
Guddoomiyaha Jaaliyadda UK ayaa soo jeediyeen in waqtiga dhow ay Wasaaradda iyo
labada Guddi ee ku hawlan dib-u-eegista Dastuurka ay wada qabtaan shir shacabka
Soomaaliyeed ugu soo bandhigayaan dib-u-eegista la sameeyay.
Jaaliyadda Soomaaliyeed ee UK ayaa waxay tallaabo
horumar leh ku tilmaameen Shir-weynihii Qaran ee Daahfurka Dib-u-Eegista
Dastuurka, iyagoo bogaadiyay wadashaqeynta wanaagsan ee ka dhaxeysa Wasaaradda
iyo labada Guddi ee u xilsaaran dib-u-eegista Dastuurka
Dhanka kale, Jaaliyadda waxay tilmaameen in ay
yihiin wakiillo u taagan in Wasaaradda iyo labada Guddi ay ku garab siiyaan
howlaha dib-u-eegista Dastuurka.
Ugu dambayn, doodda ayaa ku soo dhamaatay in
wafdi ka kooban Wasaaradda iyo Guddiyada Qaran ee ku howlan dib-u-eegista
Dastuurka ay yimaadaan UK si kulan ballaaran oo wadatashi ah loo la yeesho
Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool UK.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]