4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 3 , 2018
Ra’iisal wasaare ku-xigeenka Soomaaliya oo ka qeybgalay shir madaxeedkii midowga Africa

 

Talaado, July, 03, 2018 (HOL) – Ra’iisul wasaare ku-xigeenka xukuummadda Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo magaalada Nouakchott ee caasimadda dalka Mauritania uga qeyb galay shir madaxeedkii Midawga Afrika, ayaa la kulmay Gudoomiyaha Guddiga Midawga Afrika, Moussa Faki Mahamat.

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka iyo Moussa Faki Mahamat ayaa ka wada halay nabadda iyo xasilloonida guud ahaan gobolka gaar ahaan dalka Soomaaliya iyo sida Midawga Afrika ay usii wadi lahaayeen taageerada Dawladda Soomaaliya la siiyo iyo hannaanka Soomaaliya ay amnigeeda kala wareegayso ciidamada nabad ilaalinta Midawga Afrika (AMISOM).

 

Waxaa uu sidoo kale kulan la qaatay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Ethioipia Hailemariam Desalegn, waxa ayna isla soo hadal qaadeen arrimo ay kamid yihiin adkaynta xariirka labada dal.

Ra’iisal wasaare ku-xigeenka ayaa labadii maalin ee tagtay magaalada Nouakchott uga qeyb gelay shir madaxeedka 31-aad ee Midawga Afrika oo looga hadlay sidii loogu guuleysan lahaa dadaallada loogu jiro la dagaalanka Musuq-maasuqa, furdasaha fududeyn kara la dagaalanka musuqa iyo caqabadaha jira.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]