4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 9 , 2018
Guddoomiye Kuxigeenka Labaad ee Golaha Shacabka oo deeq Lacageed Gaarsiiyay Caruur isugu jirta Agoon iyo danyar (Video)



Talaado, Janaayo, 09, 2018 (HOL) –ilaa 48-qoys oo danyar ah ayaa ka faa’ideystay deeq lacageed oo uu dadkaasi ugu tala galay Guddoomiye kuxigeenka labaad ee golaha shacabka Mudane Mahad Cabdala Cawad oo deeqdaasi u wakiishay Hay’adda Towfiiq Foundation oo ka mid ah hay’adaha ka shaqeeya daryeelka bulshada iyo kaalmeynta dadka tabarta yar

Goobta deeqdan lacagta ah lagu qeybinayay ayaa waxaa ku sugnaa Caruur Agoon ah oo uu gudoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka ka bixiyo qarashaadka waxbarashada iyo eheladooda,waxaana qaar ka mid ah dadkii deeqdan ka faa’ideysaatay ay gudoomiye kuxigeenka labaad ee golaha shacabka uga mahad celiyeen deeqdan iyo sida uu caruurtan u taageero,waxayna ka codsadeen in uu sii laba laabo

Maxamed Maxamud Barre oo ku hadlayay magaca hay’adda Towqiif Foundation oo ka wakiil aheyd  gudoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka ayaa sheegay in deeqdan ay u qeybiyeen sidii loogu tala galay.

Mustaf Husein
Mustafa@hiiraan