5/30/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 9 , 2018
Cabdi Warsame iyo Madaxda Dhiggiisa ah oo Munaasabada Caleema Saarkooda Lagu Qabtay Minneapolis, Madaxa Maaliyada MPLS na Noqday

Talaado, Janaayo, 09, 2018 (HOL) –Maalintii shalay oo ku aadanayad Isniin Janaayo 08, 2018, ayaa lagu qabtay xarunta laga xukumo magaalada Minneapolis xaflada munaasabadda dhaarinta iyo caleema saarka madaxda magaaladan hogaamin doonta affarta sano ee inagu soo aadan, kuwaas oo la doortay bishii bilawgii bishii November ee sanadkii ina dhaafay. Xafladdaan ayaa ahayd mid xiisa badan kana duwanayd xafladahii hore.

Magaalada Minneapolis waxa ay ka koobantahay 13 degmo, Isniintii shalayna waxaa si wadar ah loo dhaariayay duqa magaalada Minneapolis loo doortay ee Jakab Frey iyo sidoo kale sedex iyo toban ka gudoomiye kuwaas oo laga soo doortay 13-ka degmo ee magaaladu ay ka koobantahay. Golahaan waxaa ka mid noqday sanadkaan saddex shakhsi  oo ka soo jeeda qawmiyada dadka madaw, meesha kalkii hore Abdi Warsame kaliya uu kaga jiray muwaadiniinta madow.

Abdi Warsame oo markii labaad dib loogu soo doortay guddoomiyaha degmada 6-xaad afar sano oo hor leh, ayaa HOL u sheegay in doorashadaan uu ku soo baxay ay ahayd doorasho aad u adeg, oo ay ka soo hor jeesteen 6 xildhibaan oo magac dheer iyo miisaan culus ku leh gobolkaan Minnesota. Xildhibaanadan oo ku maray wacad in Abdi marnaba aanu dib u soo bixin, ayaa dadaalkoodii uusan u shaqayn sidii ay rabeen. “Doorashadan waxa ay ahayd doorasho adeg, waxa ay na ku soo toostay xilli dabaylo siyaasadeed ay ka jiraan dalka guud ahaan”, ayuu yiri Abdi. Isaga oo ku sii nuuxnuuxsaday ayaa waxa uu ku daray, “waxa ay ahayd xilli dadka soo galootiga ah lagu hayo ilo gaar ah”. 

Xafladan waxaa ka soo qayb galay madax iyo shacab badan kuwaas oo ay ka muuqatay taageero, farxad, raali ahaansho iyo qanaaco ay ku qabaan madaxdan cusub oo ay iyagu soo doorteen. Jacob Frey waa shakhsi dhalin yaro ah kaa soo loo doortay duqa magaalada Minneapolis, isla markaana shalay lagu dhaariyay isla madasha ayaa madasha ka akhriyay khudbad taariikhi ah aadna u qiiro badan.

Kadib goortii ay dhammaatay munaasabddii dhaarinta, ayaa mas’uuliyiinta la doortay ay guda galeen magacaabidda manaasib gaar ah, sida madaxweynha guddiga guddoomiyaasha degmooyinka magaalada, ku xigeenkeeda iyo miisaaniyadda, isla markaana, Abdi Warsame ayaa noqday madaxa miisaaniyadda iyo dhaqaalaha magaalada Minneapolis middaas oo ka dhigaysa masuulka ugu awoodda badan dhinaca dhaqaalaha gobolka Minnesota guud ahaan maadaama ay ay Minneapolis Mn ugu dhaqaalo badan tahay.

Afar sano ka hor ayay ahayd goortii loo doortay xilkan Abdi Warsame. Isla jagadii ayaana mar kale dib loogu soo doortay. Waxaana laga sugayaa in balanqaadyadii uu sameeyay goortii uu ku jiray tartanka doorashada uu fuliyo.

Ugu danbayntii, waxaa uu doono ha aaminsanaado madaxweynaha dalkan Mareykanka Donald Trump, ee tirade dadka madaw iyo muslimiinta ka soo dhalaalaya jagooyinka iyo kuraasta hogaanka dalkan ayaa soo kordhaya marba marka ka danbaysa. Abdi Warsame ayaana noqanaya tusaale iyo farriin farxad galinaysa mustaqbalak dhalinyarada Soomaaliyeed ee iminka aadda wax barashada.

Siyad Said Salah&Mohamud Dulyadey

hiiraan online

Minneapolis MN













Click here
1/9/2018 11:14 AM EST
Talaado, Janaayo, 09, 2018 (HOL) –ilaa 48-qoys oo danyar ah ayaa ka faa’ideystay deeq lacageed oo uu dadkaasi ugu tala galay Guddoomiye kuxigeenka labaad ee golaha shacabka Mudane Mahad Cabdala Cawad oo deeqdaasi u wakiishay Hay’adda Towfiiq Foundation oo ka mid ah hay’adaha ka shaqeeya daryeelka bulshada iyo kaalmeynta dadka tabarta yar

1/9/2018 10:54 AM EST
Talaado, Janaayo, 09, 2018 (HOL) -Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maanta khudbad u jeediyey ardayda wax kabarata jaamacdaha Puntland ayaa sheegay in uu rajo wanaagsan ka qabo mustaqbalka dalka maadaama ay kordhayaan xarumaha waxbarasho ee dalka.

1/9/2018 9:32 AM EST
Talaado, Janaayo, 09, 2018 (HOL)–Falalka Bani’adaannimo waxaa ay kaalin weyn ka qaataan mar walba yareynta dhibaatooyinka laga dhaxlo masiibooyinka sida Qaraxii 14kii October ka dhacay Isgooyska Zoobe ee magaalada Muqdisho ay ku nafwaayeen dad ka badan 500 oo ruux.

1/9/2018 9:01 AM EST
Talaado, Janaayo, 09, 2018 (HOL) –Taliyaha ciidamada xoogga dalka ee gobolka Hiiraan Towane Axmed Gurey oo warbaahinta kula hadlay magaalada Beledweyne ayaa sheegay in howlgalo ay sameeyeen ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM Al-shabaab kala wareegeen fariisimo ay ku lahaayeen dhulka Buuraleyda ee gobolka Hiiraan.

1/9/2018 3:53 AM EST
Talaado, Janaayo, 09, 2018 (HOL) – Ugu yaraan Saddex Askari oo ka tirsanaa ciidamada dowladda ayaa ku dhaawacmay kaddib Bam ganacmeed lagu weeraray fariisin ay ku sugnaayeen magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

1/9/2018 12:58 AM EST
Talaado, Janaayo, 09, 2018 (HOL) –Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Qarax Miino oo saakay ka dhacay Waddada Warshadaha ee magalada Muqdisho, waxaana Qaraxa lala eegtay gaari ay la socdeen ciidamo ka tirsan kuwa Booliiska.

1/9/2018 12:45 AM EST
Talaado, Janaayo, 09, 2018 (HOL) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo booqasho ku jooga magaalada Garoowe ayaa sheegay in deegaanno ka tirsan Puntland soo galleen sida uu hadalka u dhigay dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab oo baxsad ka ah duqeymaha cirka.

1/9/2018 12:20 AM EST
Talaado, Janaayo, 09, 2018 (HOL)–Kuuriyada Waqooyi iyo Kuuriyada Koonfureed ayaa billaabay wadahadallo heer sare ah, kaas oo noqonaya midkii koobaad ee ay dalalkaasi yeeshaan muddo labo sano ah.

1/9/2018 12:16 AM EST
Talaado, Janaayo, 09, 2018 (HOL) – Iyadoo habeennimadii xalay uu qorshuhu ayaa in magaalada Garoowe lagu qabtay munaasabada Sanad-Guuradii Afaraad maamulka Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa loo baajiyay xiisada colaadeed ee ka soo cusboonaatay deegaannada u dhaxeeya Puntland iyo Somaliland.

1/9/2018 12:09 AM EST
Talaado, Janaayo, 09, 2018 (HOL) – Guddoomiyaha gobolka Nuugaal ee dowlad gobolleedka Puntland Cumar Fara-weyne ayaa sheegay in la joojiyay gadiidkii rayidka ee isaga kala gudbi jiray deegaannada Puntland iyo Somalland, waxaana uu intaa ku daray in loo ogol yahay oo kaliya dhaqdhaqaaq gadiidka mas’uuliyiinta iyo kuwa ciidamada.

1/9/2018 12:04 AM EST
Talaado, Janaayo, 09, 2018 (HOL)-Dalada ay ku mideysan yihiin ururada aan Dowliga aheyn ee Soomaaliya ayaa Dowladda Federalka ku eedeeyay in ay barakicineyso dadka barakacayaasha ah ee ku nool duleedka magaalada Muqdisho.