
Talaado, Janaayo, 09, 2018 (HOL) – Kuuriyada
Waqooyi iyo Kuuriyada Koonfureed ayaa billaabay wadahadallo heer sare ah, kaas
oo noqonaya midkii koobaad ee ay dalalkaasi yeeshaan muddo labo sano ah.
Kulankan ayaa billawday 10:00 saacada deegaankaas wuxuuna ka dhacay Guriga
Nabadda ee ku yaalla tuulada wada xaajoodka ee Panmunjom.
Wadahadalladan ayaa diiradda saari doona macquulnimada sidii Kuuriyada
Waqooyi ay uga qaybqaadan lahayd ciyaaraha Olimbigga ee xilaga qaboobaha ee
2018ka, kaas oo bisha labaad ka dhici doona Kuuriyada Waqooyi.
Kuuriyada Koonfureed ayaa sidoo kale sheegtay in ay soo hadal qaadi doonto
sidii calaaqaadka labada dal loo hagaajin lahaa.
Xiriirka labada dal ayaa sii xumaaday ka dib markii Kuuriyada Waqooyi ay
joojisay barnaamij dhaqaale oo labada dal iska kaashanayeen, arrintaasina waxay
timid ka dib markii Kuuriyada Waqooyi ay tijaabisay madaafiic iyo Nukliyeer.
Dhacdadaas ayaa keentay in Kuuriyada Waqooyina ay jarto xiriirkii
isgaarsiineed ee kala dhexeeyay Kuuriyada Koonfureed.
Bishii Diseembar ee 2015kii ayaa ugu dambaysay wadahadal heer sare ah oo ay
labada dal yeeshaan.
Xiisadda labada dal u dhaxaysana cirka ayay isku sii shareertay muddo
sannado ah iyadoo Kuuriyada Waqooyi ay sii waddo hormarinta barnaamijyadeeda
hubka ee la mamnuucay.
BBC