Dowladda oo lagu eedeeyay barakicinta qoysas barakacayaal ah oo ku noolaa dulleedka Muqdisho

Talaado, Janaayo, 09, 2018 (HOL) - Dalada ay ku mideysan yihiin
ururada aan Dowliga aheyn ee Soomaaliya ayaa Dowladda Federalka ku
eedeeyay in ay barakicineyso dadka barakacayaasha ah ee ku nool duleedka
magaalada Muqdisho.
War saxaafadeed ka soo baxay Dalada ayaa lagu sheegay in 21 degaan oo
hoy u aheyd in ka badan 5,807 oo qoys la dumiyey, iyadoo halkaas lagu bur
buriyey agab ay dadkaas lahaayeen iyo waxyaabo kale oo noloshooda asaasi u
ahaa.
Sidoo kale Dalada ay ku mideysan yihiin ururada aan Dowliga aheyn
ee Soomaaliya ayaa sheegay barakicinta lagu hayo barakacayaasha ku nool
duleedka Muqdisho in aysan aheyn kuwo waafaqsan sharciga dhowrista
xuquuqda aadanaha.
“Waxaan aad uga murugeysanahay dhibaatadan, iyada oo aan lahayn ogeysiis hore
oo ku saabsan dadka barakacayaasha ah, qaar ka mid ah dadkan barakacayaasha ah
waxa ay ka yimaadeen meelo fog, iyaga oo ka soo cararay Abaar iyo Colaad”. Ayaa
lagu yiri warka qoraalka ah ee ka soo baxay ururka.
2-dii January 2018 Peter de Clercq, Isuduwaha Hawlaha Bani’aadamnimada ee
Soomaaliya ayaa sheegay in burburin lagu haayo dhismayaasha barakacayaasha ku
nool duleedka magaalada Muqdisho, gaar ahaan barakacayaaha degaanka KM-13.
wuxuuna ku baaqay in arrintaasi muhiim ay tahay in dib u eegis lagu sameeyo.
In ka badan laba Milyan oo qof ayaa hadda ku barakacsan Soomaaliya guud
ahaan abaarta iyo iskahorimaadka, oo ay ku jiraan hal Milyan oo qof oo cusub oo
barakacay 2017 oo keliya, taas oo ka dhigan Saddex-meelood hal meel 6.2 Milyan
oo qof oo u baahan gargaar bani’aadamnimo.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected].