4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 2 , 2018
Lix ruux oo ku dhimatay weerar Ismiidaamin ah oo ka dhacay Muqdisho

 

Axad, September, 02, 2018 (HOL) – Lix ruux ayaa la xaqiijinayaa in ay ku dhin-teen weerar Ismiidaamin ah oo barkhanimadii maanta lagu qaaday xarunta degmada Howl-wadaag ee gobolka Banaadir.

Qaraxan ayaa bur buriyay dhismayaal ka agdhawaa xarunta degmada, Dugsi Qur’aan iyo waliba iskuul ardeyda wax bartaan, waxaana dadka dhintay ay isugu jiraan, dad rayid ah, askar iyo waliba qofkii weerarka geystay.

Saraakiisha caafimaadka gaadiidka gurmadka deg deg ah ayaa goor sii horeysay u sheegay wakaallada wararka Reuters in ay goobta ka qaadeen 14 ruux oo dhaawac ah oo Lix ka mid ah ahaayeen carruur.

Afhayeen u hadlay Al-shabaab oo lagu magacaabo Cabdicasiis Abuu Muscab ayaa sheegay in ay ka danbeeyeen weerarka lagu bartilmaameesaday xarunta degmada Howl-wadaag, isaga oo sheegay in ay dileen 10 ruux.

Ilaa iyo hadda laamaha amaanka dowladda Soomaaliya wax faah faahin ah kama aysan soo saarin Qaraxan maanta dhacay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]