4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 2 , 2018
Galmudug : Qaban-qaabada magacaabista gole wasiirro oo socta

 

Axad,  September, 02, 2018 (HOL) –Wararka ka imanaya magaalada Dhuusa-mareeb ee xarunta u ah maamulka Galmudug ayaa sheegaya in halkaa ay ka socdaan kulamo aan kala joogsi laheyn oo looga arinsanayo magacaabista gole wasiirro cusub oo uu yeesho maamulka kaddib markii ay isku biireen Ahlu Sunna Waljameeca.

Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa saacadihii ugu danbeeyay wada tashiyo joogta ah la lahaa xubno ka tirsan baarlamaanka Galmudug, siyaasiyiin iyo waxgaradka deegaanka.

Ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in inta badan leysku afgartay magac-yada iyo xilalka xubnahan cusub ee golaha wasiirrada laakiin wali dhaman yihiin wadatashiyo hoose oo aan sidaa u badneyn, lagana yaabo in maalmaha soo socda lagu dhawaaqo golaha wasiirradda.

Waxaa isha lagu hayo habka magacaabista iyo sida ay uga soo dhax muuqan doonaan labada dhinac ee isku biiray Galmudug iyo Ahlu Sunna.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]