4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 2 , 2018
Mareykanka oo Pakistan ka joojin doono $300 M oo gargaar ah

 

Axad,  September, 02, 2018 (HOL) – Militiri-ga Mareykanka ayaa sheegay in ay joojin doonaan $300m (£230m) oo ah lacago Pakistan caawimaad ahaan loo siin jirey ka dib markii sida la sheegay xukuumadda Islamabad ay ku guul dareysatay wax ka qabashada kooxaha hubeysan ee jooga Pakistan.

Madaxweyne Donald Trump ayaa kal hore Pakistan ku eedeeyay in ay khiyaamayso Mareykanka xilli uu balaamiiyin doolar ugu deeqo.

Afhayeen u hadlay wasaaradda Gaashaandhigga Mareykanka, Lt. Col Koné Faulkner, ayaa sheegay in militiriga Mareykanka uu lacagahan ku bixin doono meelo kale baahi deg deg ah loo qabo.

Hase ahaatee, talaabadan ayaa u baahan in ay ansixiyaan golaha Congress, waana qeyb kamid ah waxyaabihii waa weynaa oo ay ku dhawaaqeen bishii Janaayo.

Wasaaradda arrimaha dibadda ayaa Pakistan, ku dhaleeceysay sida ay ugu guul dareysatay in ay ka hor tagto kooxaha argagaxisada ah ee ciideeda ka waday dagaalada, waxaana kooxahaas kamid ah ururka Haqqani oo xiriir la leh Talibaanta Afghanistan.

“Waxaa sii wadaynaa in aan Pakistan ku cadaadino in ay si aan kala sooc la heyn u bartilmaameedsato kooxaha argagaxisada ,” ayuu yiri Col. Faulkner.

Tallaabadan, ayaa timid maalmo uun ka hor booqashada xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Mike Pompeo uu ku tagi doono dalka Pakistan si uu ula kulmo ra’iisul wasaaraha cusub ee wadankaas Imran Khan.

Bishii Janaayo, ayaa Mareykanku sheegay in uu ka jaray dhammaan kaalmada amni ee Pakistan ka heli jirey.

Mareykanka iyo dalal kale ayaa muddo dheer ku doodi jirey in Pakistan ay hoyso kooxo badan oo mayil adag kuwaas oo weeraro ka fuliya dalka dariska la ah ee Afghanistan.

Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dowladda Pakistan oo ku aadan tallaabada Mareykanka ku dhawaaqay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]