3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 2 , 2018
Qaraxyo waaweyn oo laga maqlay garoon militariga Syria ay ku leeyihiin Dimishiq

 

Axad, September, 02, 2018 (HOL) - Dowladda Suuriya ayaa beenisay warar sheegaya in qaraxyo is xig-xigay oo ka dhacay garoonka diyaaradaha militariga ay ku leeyihiin magaalada Dhimishiq ay ka dambeeyeen diyaaradaha dagaalka ee Israa'iil, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda.

Warbaahinta maxalliga ee Sanca oo soo xigatay iloo wareedyo militariga ka tirsan ayaa sheegtay in qaraxyada ay ka dhasheen hub lagu qubay garoonka diyaaradaha militariga Mezzeh ee ku yaalla koonfur bari magaalada caasimmada ah ee Dhimishiq.

Warbaahinta ayaa sidoo kale sheegtay in qaraxyada ay ka dhasheen cilad ku timid koronto.

Militariga Suuriya ayaa mar dambe beeniyay in Israa'iil ay ka dambeysay qaraxyada, sida ay sheegtay warbaahinta Sanca.

Sawirro baraha bulshada lagu baahiyay ayaa muujinayay goobta ay qaraxyada ka dhaceen.

Bishii May ayay ahayd markii Israa'iil ay weerartay saldhigyo militariga Iiraan ay ku lahaayeen gudaha Suuriya kaddibna Iiraan waxay gantaal ku tuurtay Israa'iil.

Isla bishaasi Israa'iil waxay soo ridday mid ka mid ah diyaaradaha dagaalka ee Suuriya taaso ay sheegtay inay ku xaadgudubtay hawadeeda.

Israa'iil ayaa duqaymo cirka ah ka gaysatay dalka Suuriya, sannadkii lasoo dhaafay ayaa lagu eedeeyay inay weerar ku qaaday garoonka militariga ee Mezzah.

BBC













Click here
9/2/2018 5:10 PM EST
Axad, September, 02, 2018 (HOL) – Kulan ay Muqdisho ku yeesheen golaha wasiirrada xukuummadda federaalka Soomaaliya ayaa lagu ansixiyay xeerka xayiraadda lacagaha oo ay soo gudbisay wasaaradda maaliyadda, kaas oo qayb ka qaadanaya barnaamijka xukuummadda ee hufnaanta iyo daah-furnaanta.

9/2/2018 12:55 PM EST
Axad, September, 02, 2018 (HOL)–Danjiraha Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Michael Keating ayaa hoyga uu ka degan yahay magaalada Muqdisho ku booqday madaxweynihii hore ee dowladda Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud.

9/2/2018 10:44 AM EST
Axad, September, 02, 2018 (HOL)–Baarlamaanka dowlad deegaanka Soomaaliya Itoobiya ayaa maanta meel mariyay islamarkaana ansixiyay gole Wasiirro cusub oo uu soo dhisay madaxweynaha Ku-meel-gaarka ah ee dowlad deegaanka Mustafe Maxamuud Cumar Cagjar.

9/2/2018 10:10 AM EST
Axad, September, 02, 2018 (HOL)–Madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta kumeel-gaarka ah ee dowlad-gobolleedka Jubbaland, halka oo u ugu qaybgelayo shirka hoggaamiyayaasha dowlad-gobolleedyada dalka.

9/2/2018 7:22 AM EST
Axad, September, 02, 2018 (HOL)–Madaxweyneyaasha dowlad goboleedyada Galmudug, Hirshabeelle iyo Puntland ayaa maanta soo gaaray magaalada Kismaayo....

9/2/2018 7:21 AM EST
Axad, September, 02, 2018 (HOL)– Lix ruux ayaa la xaqiijinayaa in ay ku dhin-teen weerar Ismiidaamin ah oo barkhanimadii maanta lagu qaaday xarunta degmada Howl-wadaag ee gobolka Banaadir.

9/2/2018 7:11 AM EST
Axad, September, 02, 2018 (HOL) – Militiriga Mareykanka ayaa sheegay in ay joojin doonaan $300m (£230m) oo ah lacago Pakistan caawimaad ahaan loo siin jirey ka dib markii sida la sheegay xukuumadda Islamabad ay ku guul dareysatay wax ka qabashada kooxaha hubeysan ee jooga Pakistan.

9/2/2018 5:11 AM EST
Axad, September, 02, 2018 (HOL)–Weerar loo adeegsaday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa barkhanimadii maanta lagu weeraray xarunta degmada Howl-wadaag ee gobolka Banaadir.

9/2/2018 4:17 AM EST
Axad, September, 02, 2018 (HOL)-Weerar loo adeegsaday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa goor dhaw ka dhacay xarunta degmada Howl-wadaag ee gobolka Banaadir.

9/2/2018 1:36 AM EST
Axad, September, 02, 2018 (HOL)-Guddoomiye ku-xigeenka gobolka Shabeellaha hoose Cabdifataax Xaaji Cabdulle ayaa ka badbaaday isku dey dil kaddib markii qarax miino loogu xiray gaarigiisa oo ay ku dhaawacmeen labo askari.

9/2/2018 1:23 AM EST
Axad, September, 02, 2018 (HOL) –Wararka ka imanaya magaalada Dhuusa-mareeb ee xarunta u ah maamulka Galmudug ayaa sheegaya in halkaa ay ka socdaan kulamo aan kala joogsi laheyn oo looga arinsanayo magacaabista gole Wasiirro cusub oo uu yeesho maamulka kaddib markii ay isku biireen Ahlu Sunna Waljameeca.