4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 2 , 2018
Warar dheeraad ah oo ku saabsan Qarax lagu weeraray xarunta degmada Howl-wadaag

 


Axad, September, 02, 2018 (HOL) – Weerar loo adeegsaday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa barkhanimadii maanta lagu weeraray xarunta degmada Howl-wadaag ee gobolka Banaadir.

Qaraxan ayaa bur bur xoog leh u geystay degmada iyo guryo ka agdhawaan, sidoo kale waxaa goobta ku dumay dugsi Qur’aanka laga barto oo ku dhawaa xarunta degmada, kaa oo sida la sheegay ay ku dhinteen carruur aan tiradooda la xaqiijin.

Waxaa sidoo kale la rumeysan yahay in ay jiraan dhimasho iyo dhaawacyo kale oo ka dhashay bur bur xoog leh oo qaraxan uu u geystay guryo dad rayid ah ay dege-naayeen oo ka agdhawaan xarunta degmada.

Saraakiisha caafimaadka ee gaadiidka gurmadka deg deg ah ayaa sheegay in 14 ruux oo dhaawac la dhigay goobaha caafimaadka magaalada Muqdisho 6 ka mid ah dadka dhaawacmay ayaa lagu sheegay in ay carruur ahaayeen.

Ilaa iyo hadda ma jirto cid ka tirsan dowladda Soomaaliya oo ka hadashay qaraxa sidoo kalana ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadiisa.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]