
Sabti, June, 30, 2018 (HOL) –Faransiiska ayaa noqonya xulkii ugu horeeyay ee
u soo gudbay wareega 8da, kaddib markii ay 4-3 dhufteen xiddigihii xulka
Argentina, cayaar siweyn isha loogu wadda hayay.
Wiilka cayaarta sida weyn isha loogu wadda hayay oo caalamka soo jiitay ayaa
noqday Kylian Mbappe oo ah 19 jirka weerarka uga ciyaara kooxda Paris
Saint-Germain iyo xulka France, kaasoo dhaliyay laba ka mid ah goolasha ay ku
badiyeen Faransiiska.
Sidoo kale Mbappe isaga ayaa keenay goolkii koowaad kaddib marki lagu
jallaafeeyay xerada ganaaxa, waxaana Rigoore loo dhigay France daqiiqadii
13-aad gool u beddelay Antoine Griezmann, hasse ahaatee gool qurux badan ayaa
ayaa waxaa ku bareejeeyay Angel Di Maria oo ka dhigay cayaarta, 1-1.
Argentina oo sidii ay goolki koowaadba u heshay
hamigeedu sare u kacay ayaa hogaanka ciyaarta la wareegtay daqiiqadii 48-aad ee
qeybti danbe ee ciyaarta, ka gadaal marki uu gool u dhaliyay Gabriel Mercado.
Wixii markaasi ka danbeeyay muddo 10 daqiiqo gudahood ah ayay Faransiisku ke
dhaliyeen saddex gool oo laba ka mid ahi uu muddo 4 daqiiqo gudahood ah ku
saxiixay halka Benjamin Pavard uu saxiixay gool galay mid ka mid ah kuwa ugu
qurxan ee laga dhaliyo sannadkaan ciyaaraha aduunka.
Goolka saddexaad ee Argentina waxaa dhamaadki
ciyaarta saxiixay Kun Aguero. Sidaas ayayna France ku gaartay wareega sideeda
ee Koobka Aduunka.
France ayaa ugu danbeyntii lugta tan xigta wareega 8aad la cayaari doona xulalka Portugal iyo Uruguay oo
goor dhaw foodda isku dari doona magaalada Sochi ee dalka Russia.