4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 30, 2018
Koonfur Galbeed oo ka hadashay Buundo ay Qarxiyeen Al-shabaab

 

Sabti, June, 30, 2018 (HOL) - Maamulka gobolka Shabeellaha hoose ee Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay Buundo muhiim u aheyd marinka iyo isku socodka dadweynaha oo ay qarxiyeen Al-shabaab.

Buundadan la qarxiyay ayaa la sheegay in ay muhiim u aheyd isku socodka deegaannada Qoryooley, Danaw illaa Shalanbood ee gobolka Shabeelle Hoose.

Mas’uuliyiinta maamulka gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegay in Al-shabaab ay miinooyin ku qarxiyeen Buundada, kaddibna ay burburtay.

C/fitaax Xaaji Cabdulle oo ka mid ah mas’uuliyiinta gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegay in Al-Shabaab ay doonayaan inay go’doomiyaan degmada Qoryooley.

Waxaa uu sheegay in halkaasi ay ku baxeen ciidamo ka tirsan dowladda, dagaalna ay la galayaan Al-Shabaabka jaray buundada.

Buundadan ayaa waxaa ay aheyd Buundo ay isticmaalaan shacabka gobolka ku safra gaar ahaan Beeraleyda, sidaasi darteeda maamulka ayaa sheegay iyaga oo ka duulaya in la go’doomiyo degmada Qoryooley inay si deg deg ah u dhisi doonaan Buundadaasi.

Al-Shabaab ayaa horay u qarxiyay buundooyin dhowr ah oo ku yaalla Gobolka Shabeellaha Hoose, kaddib markii ay ku xireen miinooyin, waxaana buundooyinkaasi ay ahaayeen kuwo muhiim u ah isku socodka degmooyinka qaar ee gobolka Shabeellaha hoose,

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]