Sabti, June, 30, 2018 (HOL) - Ku
dhowaad sodon kun oo arday ayaa maanta u fadhiistay imtixaankii shahaadiga ee
dugsiyadda fasaladda dhexe ee 8aad iyo fasaladda afraad ee dugsiyada sare ee
Somaliland.
Wasaaradda waxbarashada Somaliland ayaa sheegtay
in saaka sideeddii subaxnimo si rasmiya uga bilaabmay dhamaan goboladda iyo
degmooyinka Somaliland oo ay wada gaadheen imtixaankaasi dugsiyadad dhexe iyo
kuwo sare.
Dugsiga dhexe ee fasalada 8aaad waxa u fadhiistay
in ku dhow 18,256 Arday , halka fasaladad afraad ee dugsiga sarena u
fadhiisanayaaan arday dhan 9,931 arday.
Sidoo kale, waxa lagu galayaa imtixaanka 214
goobood, waxa kale oo imtixaaanka galaya 45 arday baahiyaha gaarka leh
sida dhagooleyaasha iyo indhooleyaasha oo ka mid noqonaya ardayda imtixaanka u
fadhiisanaya,halka ardayda jeelka ku xidhan iyo kuwo xanuun dartii u iman
kari waayey si gaar ah imtixaanka loogu diyaariyey.
“saaka sideedii subaxnimo waxa si rasmiya hal mar
u furmay dhamaan goobihii imtixaanka lagu galayey ee gobolada iyo degmooyinka
Somaliland, waxana ardayda u rajaynaynaa guul iyo mustaqbal wanaagsan”ayuu
yidhi wasiirka waxbarashada iyo sayniska Prof: Yaasiin Xaaji Maxamuud
Xiir farotoon, waxaanay amaro ka soo saareen qishka iyo waxyaalaha kale ee
ardaydku ku kacaan oo la sheegay qofkii lagu arko in uu imtixaanka waayayo oo
aanu gali Karin jaamacadaha.
Sidoo kale, gudoomiyaha imtixaanka qaranka
Daa’uud Axmed Faarax ayaa sheegay in galbeed illaa Bari ay wada gaadheen
imtixaankii dugsiyadda sare iyo kuwo dhexe.
Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland.