4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 30, 2018
Itoobiya ayaa Liiska Argagixisada ka Saareeysa Ururrada ONLF, OLF iyo Ginbot 7

Sabti, June, 30, 2018 (HOL)Golaha xukuumadda Abiye ee dalka Itoobiya ayaa usoo jeediyay baarlamanka dalkaasi in liiska argagixisada laga saaro ilaa sedex ururro mucaarad oo ka jira dalkaasi.

Kooxaha kala ah, Oromo Liberation Front (OLF), Ogaden National Liberation Front (ONLF) iyo Ginbot 7, ayaa mid walba oo kamid ah waxa uu dalkaasi ka waday halgan hubeeysan oo looga soo horjeeday xukuumadda adisababa.

“Golaha xukuumadda ayaa u gudbiyay qaraarkan baarlamanka, si ay u ansixiyaan, taasoo meesha ka saareeysa in ururrada OLF, ONLF iyo Ginbot 7 loo aqoonsado argagixiso,” sidaa waxaa bartiisa Twitterka ku qoray  Fitsum Arega oo ah agaasimaha xafiiska raysul wasaaraha dalkaasi.

“Go’aankan wuxuu ku dhiiri gelin doonaa kooxahaasi in ay adeegsadaan siyaasad nabdoon oo wada hadal ah oo lagu dhameeyo arimaha siyaasadda,” ayuu hadalkiisii raaciyay.

Golaha xukuumaddu wuxuu sidoo kale u diray baarlamanka sharci damaanad qaadaya ammaanka shaqsiyaadka iyo kooxaha ku lug yeesha halgannadii hubeysnaa ee dowladda looga soo horjeeday, sida laga soo xigta Fitsum.

Baarlamanka, oo ay maamulaan xisbiga talada haya ee isbaheeysiga EPRDF, kuwaa oo heysta 547-da kursi ee kuraasta baarlamanka dalkaasi, ayaa la filayaa in ay meelmariyaan hindisahan maalmaha foodda nagu soo haya.

Dadka falanqeeya siyaasadda ayaa sheegaya in tallaabadan ay tahay mid loo qaaday dhanka wanaagsan, balse ay harsanyihiin kuwo badan si hubka looga dhigo kooxaha hubeeysan ee dalkaasi.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.