4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 30, 2018
Dowladda oo isbitaallo lagu daweeyo ciidamada xoogga ka hergalin doonta maamul gobolleedyada

 

Sabti, June, 30, 2018 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay waddo qorshe ku aadan in xarumo Caafimaad laga furo meelaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ay kaga sugan yihiin maamul goboleedyadda.

Prof. Sokor Jaamac Agaasimaha Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa sheegay in Wasaaradda Difaaca ay dooneyso in la xoojiyo adeegyadda Caafimaad ee ay helaan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.

Agaasimaha ayaa intaa ku daray in wasaaraddo ay heysato dhaqaatiir ku filan,islamarkaana dhawaan loo diri doono Saldhigyadda iyo xarumaha ciidamada ee ku yaalla maamul goboleedyadda.

Wuxuu sheegay ugu danbeyntii in ciidamada xoogga dalka ee ku soo dhaawacma dagaalka lagu jiro Al-Shabaab in ay u baahan yihiin in ay helaan adeegyo caafimaad oo deg deg ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]