Madaxweynaha Soomaaliya oo maalinta Berri ah booqasho taariikhi ku tagi doona dalka Eritrea
Jimco,
July, 27, 2018 (HOL)– Madax-weynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi ballaaran oo
uu horkacayo ayaa lagu wadaa in maalinta berri ah booqasho taariikhi ah ku
tagaan magaalada Asmara ee dalka Eritrea.
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta xukuumadda
Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle oo xogta arintan ku saabsan la wadaagay
Warbaahinta ayaa sheegay in madaxweynuhu hogaamin doono wafdi ballaaran oo ka
tirsan dowladda Soomaaliya oo markii ugu horeysay taariikhda maalinta berri ah
booqasho rasmi ku tagi doona magaalada Asmara.
‘’Booqashadan waxaa ay ku saleysan tahay
madaxweynaha dowladda Soomaaliya oo raba oo ay dowladdu-na muddo dheer-ba ka
shaqeyneysa in Soomaaliya ay dib u soo ceshato maqaam-kii ay ku laheyd Geeska
Africa iyo guud ahaanba gobolka’’ ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta xukuumadda
Soomaaliya.
Safarka madaxweynaha ayaa imanaya xili heshiis
laga gaaray colaadii ka badan 20 sano ka dhax jirtay dowladdaha Itoobiya iyo
Eritrea, kaddib markii uu tallada dalka Itoobiya la wareegay ra’iisal wasaare
Abiy Ahmed oo la yimid markiiba siyaasad fur furan oo dib-u-heshiisiineed.
Booqashada madaxweyne Farmaajo iyo wafdigiisa ay
berri ku tagayaa magaalada Asmara ayaa noqon doota tii ugu horeysay ee
madaxweyne Soomaaliyeed uu ku tago dalka Eritrea oo ka go’ay dalka Itoobiya
sanadkii 1993kii.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]