3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 27, 2018
Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in Shan Shirkadood ka shaqeyn donaan qaadista xujeyda

 

Jimco, July, 27, 2018 (HOL)–Wasiiru-dowlaha Wasaarrada Arr Diinta iyo Aw-qaafta dowladda Soomaaliya ahna ku-simaha Wasiirka Diinta Cabdixakiin Xassan Ashkir ayaa sheeegay isaga oo ku sugan dalka Boqortooyada Saudi Arabia in la bilaabayo soo qaadista xujeyda Soomaaliyeed ee guda-naya sanadkan waajibaadka Xajka. 

Wasiirka ayaa sheegay in Shan Shirkadood ka shaqeyn doonaan soo qaadista xujeyda Soomaalida, kuwaa oo sida uu hadalka u dhigay hadaba bilaabay howlahoodii shaqo.

‘’Sanadkan wuxuu uga duwan yahay sanadihii hore shirkaddaha ayaa si buuxda u maamuli doona howlaha xajka, halka kaalinta xukumadda-na ay noqon dooto oo kaliya kor joog-teyn oo kaliya ayuu yiri Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Diinta iyo Aw-qaafta.

Wasiiru-dowlaha ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay wararka sheegaya in dowladda Soomaaliya siyaasadey-neyso arrimaha Xajka, isaga oo intaa ku daray in madaxda ugu sareysa dalka dadaal badan ku bixiyeen sidii ay xujeyda Soomaaliyeed u tagi lahaayeen sanadkan xajka.

‘’Waxaan rabnaa in si hor dhac ah u sheeg-no in hadda wax walba soo dhamaadeen, dhawaanna xujeyda tagi doonaan dalka Sacuudiga, waxaan beeni-neynaa wararka leysla dhax-marayo ee ah in dowladdu siyaasadey-neyso arrimaha Xajka, waxaan cod dheer ugu sheegey-naa xujeyda Soomaaliyeed in ay tagi doonaan sanadkan Xajka’’ ayuu yiri Cabdi Xakiin Xassan Ashkir.

Hadalka Wasiiru-dowlaha ayaa imanaya xili warar madax-bannaan sheegayaan in uu jiro wali khilaafka dhinaca shirkaddaha ah ee u dhaxeeya dowladda Soomaaliya iyo Sacuudiga, taasoo dib u dhac ku keentay looga bartay in xujeyda Soomaaliyeed tagaan dalka Sacuudiga.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
7/27/2018 3:10 PM EST
Jimco, July, 27, 2018 (HOL) -Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyre oo maanta hadal ka jeediyay munaasabad ay soo qaban-qaabisay wasaaradda dhalinyarada iyo cayaaraha oo maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho ayaa soo hadal qaaday aragtida xukuumadda Soomaaliya ee Jaamacaddaha dalka.

7/27/2018 2:44 PM EST
Waxay kuu soo gudbinaysaa doodo gaar ah, warar aan horey loo maqal iyo codad kala duwan oo Soomaali ah: 30-ka daqiiqo ee barnaamijka cusub ee Caawa iyo Caalamka ee BBC News Somali TV wuxuu billaabanayaa Isniinta 30 July.

7/27/2018 2:35 PM EST
Jimco, July, 27, 2018 (HOL)-Sarkaal ka tirsan booliska Puntland ayaa goor dhow lugu dilay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug , sida ay xaqiijiyeen saraakiisha deegaanka.

7/27/2018 8:58 AM EST
Jimco, July, 27, 2018 (HOL)– Madax-weynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi ballaaran oo uu horkacayo ayaa lagu wadaa in maalinta berri ah booqasho taariikhi ah ku tagaan magaalada Asmara ee dalka Eritrea.

7/27/2018 8:41 AM EST
Jimco, July, 27, 2018 (HOL)– Guddiga Doorashada Pakistan ayaa sheegay in cayaaryahankii hore ee isku beddelay siyaasaiga, Imran Khan, uu ku guuleystay doorashadii baarlamanka ee dalkaas ka dhacday, hase yeeshee xisbigiisa uusan helin codad ku filan si uu dowlad usoo dhiso.

7/27/2018 1:23 AM EST
Jimco, July, 27, 2018 (HOL)–Dowladda Turkiga ayaa cambaareysay weerarkii ay Xuutiyiinta Yemen ku qaadeen Markab Shidaal oo laga leeyahay dalka Sacuudiga.

7/27/2018 1:08 AM EST
Jimco, July, 27, 2018 (HOL) -Maxkamada ku taalla dalka Uganda ayaa xalay ridday gudoon ay ku taageerayso isbadal ay baarlamaanka dalkaasi ku sameeyeen dastuurka, taasi oo meesha ka saartay qodobkii xaddadiyay da'da cidda u tartamaysa madaxwaynanimada in ay noqoto mid ka sareysa 35 sano islamarkana uusan qofka ka waynaan 75.

7/27/2018 12:53 AM EST
Jimco, July, 27, 2018 (HOL) – Dabley ilaa iyo hadda aan la garan ayaa xalay toogasho ku dilay xildhibaan hore oo ka tirsanaa Baarlamaankii 9aad ee dowladdii KMG oo lagu magacaabi jiray Cali Maxamed Cabdi.

7/27/2018 12:42 AM EST
Jimco, July, 27, 2018 (HOL) - Afhayeen u hadlay maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegay in howlgal ballaaran oo ay sameeyeen ciidamada maamulka iyo kuwa dowladda Soomaaliya ku dileen xubno dagaalyahanno iyo saraakiil isugu jira oo ka tirsanaa Ururka Al-shabaab.