4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 27, 2018
Museveni oo mar kale isa soo sharixi kara

 

Jimco, July, 27, 2018 (HOL) -Maxkamada ku taalla dalka Uganda ayaa xalay ridday gudoon ay ku taageerayso isbadal ay baarlamaanka dalkaasi ku sameeyeen dastuurka, taasi oo meesha ka saartay qodobkii xaddadiyay da'da cidda u tartamaysa madaxwaynanimada in ay noqoto mid ka sareysa 35 sano islamarkana uusan qofka ka waynaan 75.

Garsoorayaasha ayaa xukumay in laalida da'da madaxweynenimo aysan meesha ka saareyn awoodii ay dadku u leeyihiin in ay aayahooda ka tashadaaan, sida uu qeexayo qodobka koowaad ee dastuurka dalkaasi.

Wax ay intaas ku dareen garsoorayaashu in baarlamaanku ay ku saxnaayeen isbadelkii ay sameeyeen, waxa ayna ku dhawaaqeen ansaxnaashaha isbadelkaasi.

Golaha garsoorayaasha oo gaarayay shan ayaa afar ka mid ah waxa ay isku raaceen in isbadelka baarlamaanku ay ku saameeyn dastuurka dalka uu ahaa mid sax ah.

Dhammaan garsoorayaasha ayaa ku garab istaagay baarlamaanka meel marinta sharcigan, maadaama baarlamaanku u codeeyeen in muddada xileedka madaxweynaha laga dhigo ilaa 7 sano.

Waxyaabaha muranka dhaliyay ayaa waxaa ka mid ah in meel marinta sharcigan ay kusoo beegmatay xili ay jireen rabhado, madaxbanaanida baarlamaankana ay qatar soo wajahday kaddib markii rag ku labisnaa dareyska ciidanka ay weerareen xarunta baarlamaanka.

Doodi ka dhalatay qaanuunkaan bishii disember ee sanadkii lasoo dhaafay ayaa waxaa hareeyay rabshado iyo dibadbaxyo ka dhacay guud ahaan dalkaasi Uganda.

Garsoorayaashu waxa ay sheegeen in ciidamada iyo milatariga loo daaad gureeyay dhismaha baarlamaanka ay ahayd mid loo baahnaa, sababtoo ah ciidamada waxaa mas'uuliyad ay ka saarnaa inay ka jawaabaan xaaladaha degdega ah.

Maxkamadda ayaase ku tilmaantay inay ahayd geyru mas'uulnimo amarkii ay boolisku ku joojiyeen in xildhibbaanadu ay qabtaan isu soo baxyo si ay ugala tashadaan hindisa sharciyeedkaan codbixiyayaasha, taasi oo dhalisay rabshado ka dhacay tuulooyinka fog fog ee dalkaasi.

Dadka dhaliilaya isbadelkaan ayaa u arka tallaabadan inay tahay mid lagu doonayo inuu xukunka kusii hayo madaxweye Yoweri Museveni.

Madaxweyen Museveni ayaa haya tallada dalka Uganda muddo 32 sano ah, isla markaana sharciyan uma suuragaleyso inuu u tartamo doorashada 2021 hadii sharcigan xadidaada da'da madaxweynaha uu sii jiri lahaa.

Xigasho BBC